4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2014
Madaxweynaha Somalia oo Khudbadda ka jeediyey Munaasabadda 15-ka May


Jimco, May 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud caawa khudbad ka jeediyey munaasabadda 15-ka May oo xalay Muqdisho lagu qabtay, isagoo ka hadlay baaqii ay xildhibaanno ka tirsan baarlmaaanku dhawaan u soo jeediyeen.

“Sharaf weyn bay ii tahay inaan caawa idin kala qeyb-galo xuska iyo damaashaadka munaasabadda maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed. Maalintan waxay goob gaar ah ku leedahay xasuusteenna qarannimo. Waa maalin nagu dhaqaajinaysa ka fikirta mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku billaabay.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa yiri: ”Sida aad wada ogsoon tihiin, halgankii loosoo galay gobanimada iyo xorriyadda Soomaaliya looga xureynayey gumeysiga waxaa uu ahaa mid adag oo dheer. Ururkii dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL, wuxuu ka koobnaa gabdho iyo wiilal Soomaaliyeed oo go’aan ku gaaray inay hoggaamiyaan halgankaas. Halgankaas dheeraa waxaa loo huray oo lagu waayay naf, hanti iyo maal si ay Soomaaliya u xurowdo. Taasoo keentay in Soomaaliya dhalato sannadkii 1960-kii sida waddamo kale oo Afrikaan ah.”

“Maanta waa wax wanaagsan inaan qirno taariikhda gabdhahaas iyo wiilashaas oo iyaga oo da’ yar, khibrad badanna lahayn , ay isticmaaleen geesinnimadooda iyo dhaaqadooda si loo dhiso Qaranka aan maanta haysanno,” ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiisa.

“Waan ku faanaynaa Soomaalida ay dhiseen. Aniga maanta idin hor-joogo waxaan ahay madaxweyne la doortay taasoo aan ku gaaray si dimuqraadi ah. Waan karnaa inaan hagaajinno dalkeenna iyo mustaqbalkiisa,” ayuu madaxweynuhu khudbadiisa ku sheegay.

Madaxweynaha ayaa xusay in mustaqbalka dalka uu ku jiro gacmaha dhallinyarada Soomaaliyeed. “Soomaaliya dhibaatooyin badan bay soo martay sannadihii lasoo dhaafay, waxaana rumeysanahay mustaqbalka dalkan iyo dadkiisa wuxuu ku jiraa gacmaha gabdhaheenna iyo wiilasheenna.”

Xasan Sheekh ayaa ammaanay u jeediyay dhallinyarada Soomaaliyeed dalka wax ku baratay iyo kuwa dibadaha kasoo laabtay isla markaana ka qayb-qaadanaya horumarka dalka. “Waa wax lagu farxo inaan aragno dhallinyaradeennii oo ka badbaaday burburkii oo maantana aadaya jaamacadaha dalkeenna, dhallinyaradii oo shaqeyneysa oo noloshooda dhisaaya; iyadoo weli dhibkii socdo. Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dibadda kasoo laabatay waxay ka qayb-qaadanayaan dib-u-dhiska dalkooda. Waxaa isku xiraya waa aaminaadda ay dalkooda aaminsan yihiin iyagoo yididdiillo fiican u qabo dalkooda.”

Madaxweynaha ayaa yiri: “Dowladdu waxay u aqoonsan tahay dhallinyaradu inay tahay hantida ugu muhiimsan ee Qarankan. Maanta 70% tirada dadkeenna waa dhallinyaro ka yar 30-sano. Taasoo nasiinaysa quwaddii aan ku dhisi laheyn dal  nabdoon oo mustaqbal leh.”

“Waa inaad dadaalka sii laba-jibaartaan si ay fursaduhu idiin dhaafin. Idinka ayaa iska leh go’aanka jidka aad maraysaa iyo waliba waxay Soomaaliya ku dambeyn doonto sannadaha soo socda,” ayuu madaxweyne Xasan ku yiri khudbaddiisa.

Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay taladii ay soo jeediyeen dhawaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ahayd inuu xilka ka dago, isagoo sheegay inuu akhriyay dhammaan qodobada ay ku xuseen ra’yigooda. Waxayna qadobbadaasi ahaayeen kuwa ku saabsan howlaha xukuumadda. Kuwaasoo wax badan laga qabtay, qaar kalena weli lagu howl jiro. Waxaa lama huraan ah in hay’adaha dowladda oo dhan ay iska kaashadaan horumarinta dalka.

Baarlamaanka muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay hor uu socodka dalka, waxaana kula dardaarmeynaa inuu door libaax ah ka qaato sidii dalka iyo ummadda looga saari lahaa marxalddan adag ee ay ku jiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya