4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2014
Minneapolis: Kulan Xasuus iyo Duco ah oo loo qabtay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

Axad, March 09, 2014 (HOL) Waxaa lagu qabtay Jaamacada Gobolka Minnesota kulan loogu magac daray Xasuus iyo Duco ,oo dib loogu xasuusanayey Rasalwasaarahii labaad ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo bishii 31 January 2014 ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalalka Maraykanka iyo Canada. Waxaa sidoo kale ku sugnaa goobta dadwaynaha reer Minnesota & qoyska Marxuum Cabdirisaaq. Dadweynihii halkaas isugu yimid ayaa waxay xuseen wax-qabadkii marxuum Cabdirisaaq.

“Waxaa nasiib wanaag ah in aabahay dhintay iyadoo dowlad soomaaliyeed jirto, wuuna helay wuxuu mudnaa oo ah aas qaran iyo in lagu babar aaso Madaxweyne Adan Cabdulle Cusmaan”, Ubax oo hadalkeedii sii wadda ayaa waxay tiri “Ma aha mid aan iloobi doono soo dhaweentii muqdisho naloogu sameeyay xiligii aan ku jirnay aaska, waana wixii uu mudnaa aabahay oo ah in uu taariikhda galo.” Ubah oo ka hadlaysay waanooyinkii aabeheed siinjiray ayaa tiri “Waxaynu ahayn laba gabdhood iyo hal wiil, aabaheey mar kasta wuxuu jeclaa in aan helno waxbarsho siman wuxuuna dhihi jiray waxbarasho rag iyo dumarba wada helaan ayaa dal ku dhismi karaa” ayeey ku soo gabagabeysay hadalkeedii.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo bare ka ah Jaamacadda Kulunku ka Dhacayay ayaa yiri ” cabdirisaaq waxuu ahaa shaqsigii ugu danbeeyay ee la oran karo halyeey Soomaaliyeed”. Prof Cabdi Ismaaciil ayaa waxuu ka warbixiyey  qaabkii uu u dhacay aaskii Marxuumka waxuu u mahadceliyey ciidamadii sugayay Nabadgalyada oo xiligaa kulul taagnaa wadada hareeraheeda , waxuuna goobta ka sheegay in dhawaan la dhisi doono hay’ad lagu magacaabo  Abdirizak Haji Hussein Foundation.

Prof Xuseen Warsame  oo bare ka ah jaamacadda Calgary ee dalka Canada ayaa ka hadlay wax-qabadkii Cabdirisaaq xiligii Burburka iyo kaalintii kaga aadaneyd badbaadinta dalka. Wuxuu Prof. Xuseen Warsame aad uga sheekeeyey khudbaddii taariikhiga ahayd ee Cabdirisaaq ka jeediyey shirkii ka dhacay dalka Turkiga ee loogu gogol xaarayey ka bixitaanka ku meel-gaarka sannadkii 2012, khudbadaas oo socotay muddo 55 daqiiqo oo la oron karo  waxay ahayd mid wax ka badashay dadkii shirkaa ka qaybgalay

Aqoonyahanadii Kulanka ka hadlay waxaa kamid ahaa Dr. Ahmed Dalmar , Dr Mohamud Geeldoon, Abdulkaadir Adan Jangali, iyo Xamdi Abdulle,

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
Minnesota, USA
[email protected]