4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2014
Afar & afartan qalfoof oo Maanta aas qaran loo sameeyay+SAWIRRO


Axad, Maarso 09, 2014 (HOL) — Afar iyo afartan qof oo qalfoofkoodii laga heley goobo si sharci daro ah loogu dilay xaafadda Badhka ee magaaladda Hargeysa, ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey  duleedka koonfureed ee magaaladda Hargeysa, halkaasi oo loogu duceeyey inuu ilaahay u naxariisto.

Guddiga baadhista Xasuuqa (War-crimes investigation Commission), wasiiro ka tirsan xukuumadda, gudoomiyaha xisbiga muxaafadk ah ee KULMIYE iyo dadweyne kale ayaa  maanta ka soo qaybgalay aaskan loo sameeyey 44 marxuum oo lagu aasay xabaalo u gaar ah oo loogu talogalay qalfoofadddii la helay, isla markaana isla maanta loogu tukadday, iyagoo loo eeegayo waxay shareecaddu ka qabto.

Ururkii caalamiga ahaa ee baadhaysay qaabka loo dilay 44 marxuum ee dib looga soo saaray goobo aan ku haboonayn in lagu aaso dadka ayaa xaqiijiyey in sifo sharci daro ah lagu laayey dadkan, isla markaana cadeeyey rasaastii lagu laayey iyo qaababka loo dilay.

“Waxaanu halkan iskugu nimid inaynu sidii islaamnimadu ina fartay u aasno 44 qof ee marxuum  oo si sharci daro ah o iyagoo dambi lahayn u xasuuqday dawladdii marka dalka ka talinaysay ee keligii taliskii Siyaad Bare, sanadkii 1984 kii waxaa mahad leh ilaahay oo maanta inoo suuragaliyey in sidii diinteena suubani ina fartay aynu u aasno 44 kan marxuum oo laga soo saaray xabaalaha badhka (goobaha dadka sharci darada ah lagu laayo lagu aasi jiray)”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay guddidda baadhista xasuuqyadii dalka ka dhacay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


“Waxa kale iyaguna mahad leh khuburaddan ka socotay hay’adda EPAF ee xaqiijisay inuu xasuuq ka dhacay dalka 1984 kii iyaga oo hawshooda sii wadi doona si ay u xaqiijiyeen xasuuqyadii kale ee ka dhacay sanadihii ka dambeeyey 1984 kii ee ka dhacay dalkan Somaliland, EPAF waxa weeyi hay’ad aduunka oo dhan ka soo shaqaysay dalal badan oo xasuuq ka dhacay sida Colombia, Venezuela, Chile, Philippines, Nepal, Congo and Kenya”ayaa lagu daray war-murtiyeedkan.

Guddida baadhista xasuuqyadda Somaliland ka dhacay waxay intaas ku dareen “EPAF waa hay’adda caalami ah oo madax banaan, macaashdoon ahayn, meel marisa runta, hirgalisa xaqiiqda ay ka helaan baadhistooda iyagoon cidna wax qabadkooda garab u doonan, caawisa cadaalad doonka iyo demoqraadiyadda. waxaanu illaahay ka baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo 44-ka marxuum oo ay dishay gacan ka xaqdarani eheladoodii iyo Somalilandba samir iyo Iiman ka siiyo”.

Guddida ayaa sheegtay inay ujeeada ugu weyn ee hawshan ka leeyihiin tahay Afar arrimood oo kala ah:

1.Wixii Danbigan gaystay oo la Maxkamadeeyo.
2. Marka cadaalad la helo ayaa Dadku heshiiya.
3. inay Iska hortaagto kuwa mustaqbalka xukunka qabta inaanay ku kicin falalkan oo kale.
4. In ay wacyi galin ku saabsan xaquuqal insaanka u noqoto dadka.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, wasiirka Qorsheynta Qaranka Sacad Cali Shire, wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Gudomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo dhamaantood sheegay inay haboontahay in si wanaagsan loo aaso dadkii sharci daradda lagu laayey, isla markaana dadkii dambiyadaasi geystay sharciga la hor keeno.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland