4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2014
Aaladda Internet-ka ee Adduunka laga Isticmaalo oo 25 jirsatay

Axad, Maarso 09, 2014 (HOL) — Aaladda Internetka ee World Wide Web ayaa 25-sano jirsaday ,waxaana fikirkan looga danbeeyaa in uu keenay Tim Berners-Lee oo u dhashay dalka Ingiriiska ,iyadoo si rasmi ah loogu aqoonsaday 12-kii Maarso 1989-kii maalintii dhalashada webka.

"Waxey ahayd arin aad u weyn markii la ogaaday bilowgii arintan," ayuu yiri Marc Weber oo ah ninkii alifay taariikhda Internetka iyo waliba Progaramkiis,waxaana uu tilmaamay in waqtigaa ka dib la helay fursad ay dunida kuwada xidhiidho.

Militiriga Maraykanka ayaa sanadkii 1950-kii bilaabay ogaanshaha fikirka isku-xirka kombuyuutarada adduunka ,iyadoo World Wide Web la filayay in gadaal laga ogaan karayay ,waxaana jira tiro dad ah oo aaminsan in adeegan la ogaaday ka hor Tim Barners.

Gopher System oo ay mulkiyaddiisa lahayd jaamacadda Minnesota ayaa isna soo caan baxay 1990-kii ,iyadoo seddex sano ka dib si dhamaystiran loo fasaxay in dadweynaha adduunka oo dhan ay si isku wada mid ah u isticmaali karaan xarfaha www.

Taariikhda Kooban ee Isticmaalka Internetka World Wide Web:

12 Maarso, 1989: Saynisyahan Tim Berner-Lee ayaa si rasmi u soo saaray adeeggan, isaga oo ku shaaciyay Probosal uu u gudbiyay ururka CERN oo caan ka ah adduunka.

1994: Dalka Shiinaha ayaa sanadkii 1994-tii  markii ugu horeysay laga isticmaalay Internet-ka 1995: Shirkadda Microsoft ayaa  hawada galisay Internet Explorer oo laga sii dhex galo WWW.

1996: Wadanka Finland ayaa soo saaray Mobilkii ugu horeeyay oo Nokia ah, isla markaana Internet lagu isticmaali karo

1998: Shirkadda Google ayaa si dar -dar leh ku bilowday howlaheeda shaqo ee wax raadinta, halka Maraykanka ay la wareegtay gacan ku haynta iyo maamulidda qaar ka mid ah Internetka xiligaa adddunka laga isticmaalayay.

2000: Waxaa xiligaa adduunka si weyn ugu baahay Virus caan ah oo la oo dhan jiray ILOVE YOU,,kaasi oo saameeyay kala bar kombuyuutarada dunida oo dhan ee la isticmaalayay waqtigaas.

2005: Sanadkan waxaa dadka internetka ku xidhan ay kor u dhaafeen hal Bilion.

2007: Wadanka Estonia ayaa ku doortay doorashadii barlamaanka ee xiligaa la qabtay habka Online-ka ah markii ugu horeysay taariikhda Internetka.

2012: Habka ganacsiga Online-ka ah ayaa 2012-kii  kor udhaafay 1 Trillion marka loo eego hawlaha kale ee khaaska ah.

2013: Sanadkii la soo dhaafay hal dhibic Bilyon oo dadka adduunka ah ayaa ku xidhnaa isticmaalka Internetka,iyadoo 40 boqolkiiba oo Chinese ah ay fahmi karaan luuqadda Ingiriiska oo lagu isticmaalo inta badan Net-ka.

In badan oo kamid ah saynisyahannada caalamka ayaa tilmaamay in tiknolojiyadda adduunka ay sii casri yoobi doonto sanadaha soo soacda, waxaana wali kor u sii kacaya tirada dadka Isticmaala Internetka oo meel kasta muhiim ka noqday xiligan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]