4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2014
119 arday oo ka qalin jebiyey Jaamacadda PSU Garoowe (SAWIRRO)

Axad, Maarso 09, 2014 (HOL) —Jaamacadda Puntland State University (PSU) ayaa maanta shahaadooyin guddoonsiisay arday dhamaystay heerka koowaad ee waxbarashada jaamacadda, kana qalin jebiyey kulliyadaha dhaqaalaha, maamulka iyo shareecada. Ardaydan oo ay tiradoodu 119 tahay, waxay isugu jiraan wiilal iyo gabdho.

Xafladda qalin-jebinta oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay, waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay kamid yihiin Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wasiirro uu kamid yahay Wasiirka Waxbarashada Cali Xaaji Warsame.

Guddoomiyaha Jaamacadda PSU
Maxamuud sheikh Xaamud ayaa ugu horreyn madasha ka hadlay, wuxuuna ka warbixiyey marxaladihi kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay iyo weliba waxyaabaha ay higsaneyso mustaqbalka dhow, isagoo xusay inay horumar ballaaran ku tallaabsatay muddadii koobnayd ee ay jirtey.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:-

Madaxweynaha Puntland oo isagu khudbad dheer oo ka hadlaysey qiimaha waxbarashada goobta ka jeediyey ayaa hambalyo u diray ardayda maanta shahaadooyinka la guddoonsiiyey, wuxuuna ku boorriyey inay dadaalkooda sii laba jibbaaraan kuna dadaalaan sidii ay aqoontooda kor ugu sii qaadi lahaayeen.

Madaxweynuhu wxuu dhinaca kale sheegay in siyaasadda xukuumaddiisa ay qayb weyn ka tahay sidii loo teyeyn lahaa waxbarashada sare ee Puntland islamarkaana shaqooyin loogu abuuri lahaa ardeyda kasoo baxda jaamacadaha.

Qaar kamid ah ardayda xafladda qalin-jebinta ah loo qabtay oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay aad u faraxsan yihiin, waxayna hambalyo u direen maamulka jaamacadda iyo macallimiintii muddada afarta sano ah wax soo barayey.

Dhowaan ayey ahayd markii ay Jaamacadda PSU soo kordhisey heerka labaad ee waxbarashada jaamacadeed iyadoo kaashaneysa Jaamacadda Jommo Kenyata ee ku taalla dalka Kenya.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya