4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2014
Muungaab oo la kulmay Guddoomiyeyaasha dagmooyinka Muqdisho

Axad, Maarso 09, 2014 (HOL) — Guddoomiyeyaasha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa maanta wuxuu kulan la yeeshay guddoomiyeayasha 16-ka dagmo ee gobolka Banaadir, kaasoo mid ay isku baranayeen guddoomiyaha gobolka iyo guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa furay guddoomiye ku xigeenka siyaasadda iyo arrimaha bulshada ee gobolka Banadir, isagoo sheegay in kulankan uu yahay mid ay isku baranayaan duqa Muqdisho iyo dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna  intaas kaddib kusoo dhaweeyay hadal, Jen. Muun-gaab.

Duqa cusub ee Muqdisho ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay guddoomiyeyaasha 16-ka dagmo ee gobolka Banaadir howsha adag oo ay shacabka u hayaan, isagoo dalbaday inay sii laba-jibaaraan howshooda, isagoo mar kale meesha ka saaray hadallo been abuur ah oo la rabo in qal-qal lagu geliyo hanaanka maamul wanaaga gobolka Banaadir ee ah in la bedeli doono shaqaalaha gobolka iyo dagmooyinka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, Muun-gaab ayaa u sheegay xubnihii uu la kulmay in maamulka gobolka aysan u qorsheysnayn haba-yaraatee inay badalaan shaqaalaha hadda shaqeynaya ee horay u joogay gobolka Banaadir ama dagmooyinka, marka laga reebo ciddii shaqada loo igmada kasoo dhalaali wayda.

Guddoomiyaha gobolka oo hadalkisa sii wata ayaa ka codsaday guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho inay amniga adkeeyaan, isla markaana uu si gaar-gaar ah iyo si guudba ula kulmi doono dhammaantood.

Dhanka kale, waxaa dar-dar la geliyay howlihii bixinta kaararka muwaadinimo iyadoo lagu soo kordhiyay adeegyo cusub iyo xafiis cabashada dadweynaha kaasoo la rajeynayo in baahida iyo cabashada dadweynaha uu wax weyn ka qaban doono.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo xilka si rasmi ah ula wareegay toddobaadkii hore ayaa maalmahan kulammo la lahaa shaqalaaha iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee maanta gobolka Banaadir, si howsha gobolka dar-dar loo geliyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya