4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2014
Ciidanka AMISOM oo gaadiid qudaar siday ku rasaaseeyay Sh/Hoose
Axad, Maarso 09, 2014 (HOL) — Ciidanka AMISOM ee gobolka Shabeellada Hoose ku sugan ayaa toogasho ku dilay laba darawal, kuwo kalena dhaawacyo u geystay kaddib markii 5:00 aroornimo ee saakay oo Axad ah rasaas ku furay gaadiid siday qudaar oo ka yimid deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Gaadiidkan oo ahaa afar gaari oo Mini-Bus ah ayaa waxaa si lama filaan ah rasaas ugu furay ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo ku sugnaa deegaanka Kabtan-Laas ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo shilka kaddib ay ciidamadii AMISOM ee ku furay rasaasta gaadiidka khudaarta waday ay sheegeen inay ku qaldameen.

Mid ka mid ah darawalladii gaadiidkaas waday oo sheegay inuu ka baxsaday goobta markii rasaastu billaabatay ayaa sheegay in darawalkii waday gaarigii u horreeyay ay rasaastu qabsatay iyadoo gaarigana uu gadoomay, sidoo kalena uu rasaasta ku dhintay dawalkii waday gaarigii labaad.

“Baabuurtu waxay ahaayeen afar gaari, waxaana khudaar kasoo qaadnay dhowr deegaan oo gobolka Shabeeellada hoose ka tirsan, markaan soo gaarnay Kabtan-laas ayaa waxay ciidammo ka tirsan AMISOM oo halkaas ku sugnaa nagu billaabeen rasaas, waxaan ku dhintay laba darawal, dad kalena way ku dhaawacmeen,” ayuu yiri Cismaan Xamarow oo la hadlay BBC-da.

Sidoo kale, dawalka ayaa sheegay in markuu waagu baryay ay u tageen gaadiidkii ayna halkaas ka qaadeen dhaawacyadii iyo maydadkii, ayna ciidamadii AMISOM ee rasaasta ku furay u sheegeen inay ku qaldameen oo ay moodayeen gaadiid iyaga weerar ku ah.

Wararka ayaa sheegay inta aysan gaadiidkan soo marin goobta in xoogag kooxda Al-shabaab ka tirsan ay ciidamadaas rasaas ku fureen ayna ka baxsadeen, taasna ay keentay in ciidamadu ay ka shakiyaan gaadiidka khudaarta waday ayna rasaas ku furaan.

Dhacdooyinka ku saabsan in ciidamada AMISOM ay rasaas ku furaan dad shacab ah ayaa dhowr jeer oo hore ka dhacday Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood, mana jiro hadal kasoo baxay AMISOM oo arrintan ku saabsan.

Gaadiidka khudradda kasoo qaada gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe waxay inta badan soo baxaan inta aanu waagu baryin si ay badeecadooda uga soo gaarsiiyaan Muqdisho subaxnimada hore.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya