4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2014
Ciidanka Itoobiya iyo Somalia oo Qabsaday Waajid iyo Buurdhuubo
Axad, Maarso 09, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa dalka Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ayaa maanta la wareegay degmooyinka Waadjir iyo Buurdhoobo oo ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Degmada Buurdhuubo ayay dagaal kula wareegeen goor dhow ciidamada huwanta ah ee isbahaysanaya, iyadoo dadkii ku noolaa degmadaas ay isaga baxeen gudaha degmadaas, iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku sugan yihiin gudaha degmadaas.

Xoogaggii Al-shabaab ayaa dagaallo culus oo ka dhacay duleedka degmada kaddib isaga baxay degmadaas, iyadoo degmadan ay noqonayso tii ugu horreysay oo ay kala wareegeen ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan iyo kuwa dowladda ururka Al-shabaab oo sannado badan ka talinaysay.

Sidoo kale, ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo maalmahan dagaallo kooxda Al-shabaab kula dagaalamayay gobolka Bakool u suurogashay saakay aroortii hore inay si rasmi ah ula wareegaan degmada Waajid oo muddo shan sano ah ay kooxda Al-shabaab ka talinaysay.

Goobjoogayaal tiro yar oo ku sugan degmada Waajid ayaa sheegay in ciidamada is-bahaysanaya ay xalay ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha Waadjir oo masaafo 1-km u jira degmada, ayna saakay gudaha u soo galeen.

Degmooyinka Buurdhuubo oo gobolka Gedo ka tirsan iyo degmada Waadjir oo iyana ka tirsan gobolka Bakool ayaa waxay ka mid yihiin degmooyinka Koonfurta Somalia ku yaalla ee ay Al-shabaab ka talinaysay sannadaha badan.

Saraakiil u hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobollada Gedo iyo Bakool ayaa sheegay in howlgalladan ay yihiin kuwo lagu doonayo in Al-shabaab looga sifeeyo deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Gobollada Gedo iyo Bakool ayaa waxay ka mid yihiin gobolladii ay AMISOM u xil-saartay ciidamada Itoobiya oo howlgalka ku biiray horraantii sannadkan inay ka shaqeeyaan ammaankooda.

Buur-dhuubo ayaa ahayd degmadii labaad oo ay Al-shabaab ka talinaysay oo ka tirsan gobolka Gedo, iyadoo Al-shabaab ay gobolkaas haatan gacan kaga hayaan degmada Baardheere oo keliya.

Lama oga khasaarihii ka dhashay dagaalkii saakay duleedka degmada Buurdhuubo ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya