4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2014
Mashruuc biyo-gelin ah oo tuulada Jurille laga hirgaliyay (SAWIRRO)
Axad, Maarso 09, 2014 (HOL) —Mashruuc biyo-gelin ah ayaa laga hirgeliyey tuulada Juurille oo qiyaastii 125km magaalada Boosaaso dhinaca koonfurta kaga beegan. Mashruuca oo muddo kooban socdey waxaa dhaqaalaha ku baxay iska soo ururiyey bulshada deegaanka.

Munaasabad mashruucan xarigga looga jarayey oo shalay lagu qabtay xafiiska maamulka Juurille, ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka tuulada, odayaasha, haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Cali Maxamed Maxamuud Qaal (Faahuute) oo isagu ah guddoomiyaha guddiga horumarinta tuulada, wuxuuna ka warbixiyey mashruucan, baahida keentay, dhaqaalaha ku baxay iyo waliba qaabka uu ku hirgalay.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in tuuladu ay labo qaybood u qaybsan tahay islamarkaana qaybta biya-gelinta loo sameeyey oo ku taalla dhul qaab ahaan oogo ah ay dadka ku nooli dhib badan ku qabeen helitaanka biyaha, maadaama ay dusha kaga soo qaadi jireen masaafo aad u dheer.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:-

Fikradda lagu hirgeliyey barnaamijkan ayuu sheegay inay isaga ka timid, haseyeeshee markii uu usoo bandhigay odayaasha iyo qaybaha kala ee bulshada deegaanku ay soo dhoweeyeen, muddo kooban gudaheedna ay u suurtogashay in lasoo ururiyo lacag badan, isagoo intaas raaciyey in dhismuhu uu muddo bil ah qaatay.

Maxamuud Xasan Cabdulle oo ah guddoomiyaha guurtida Juurille oo intaas kaddib hadalka qaatay ayaa soo dhoweeyey mashruucan isagoo intaas raaciyey in odayaashu ay soo dhoweynayaan horumar walba oo deegaanka laga sameeyo.

Maxamed Xaaji Dirir oo isna kamid ah waxgaradka deegaanka ayaa soo jeediyey ra'yi ah in la nidaamiyo qaab-dhismeedka tuulada, isagoo maamulka Juurille ugu baaqay in bagcadaha ay ka qaadaan cid kasta oo muddo kooban gudaheed ku dhisan weyda.

Maxamed Cismaan Juurille (Goobe) oo isagu ku hadlayey afka qurbe-joogta ayaa baaq u diray qurbe-joogta tuulada Juurille kasoo jeeda ee caalamka ku kala nool, wuxuuna ku boorriyey inay kaalin muuqata ka qaataan dhismaha iyo ballaarinta Juurille oo ah degmo qadiim ah xilliganna horumar ballaarani uu ka socdo.

Tuulada Juurille waxaa la asaasay sannadkii 1965kii, waxayna dhacdaa deegaan istaraatiiji ah iyadoo masaafo isle'egna u jirta magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya