4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2014
Ra’iisul wasaaraha oo ka Hadlay Howl-gallada ka socda Soomaaliya

Axad, Maarso 09, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/wali Sheekh Axmed ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhawaan ka saari doonaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada dalka, isagoo xusay in deegaannadaas markii ay kala wareegaan Al-shabaab ay ku qaban doonaan xaflado lagu dabaal-degayo ah.

Mudane C/wali Sheekh ayaa ku sheegay hadalkan khudbad uu ka jeediyay xuska maalinta haweenka adduunka ee 08-da Maarso oo xalayl lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

"Haweenka Soomaaliyeed waxay horseed u ahaayeen halganka dalka, nabaddana qayb-weyn ayay kasoo qaateen; sidaas darteed waxaan rajeynayaa in sannadaha soo socda aan ku xafladeyn doonno meelaha cadawgu heysto," ayuu yiri C/wali.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in meelaha Al-shabaab ay ka saarayaan ay ka mid yihiin: Ceelbuur, Bu'aale, Buulo-burde, Jalalaqsi iyo kuwo kale, isagoo Al-shabaab ku eedeeyay inay hortaagan yihiin nabaddda iyo nolosha shacabka ku nool deegaannada ay haystaan.

Hadalka ara’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo ciidamada dalka Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ay howlgallo ka billaabeen deegaanno ka mid ah kuwa gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa la wareegay deegaanno kala duwan oo ay ka mid yihiin: Xudur, Rabdhuurre, Waajid iyo kuwo kale oo ka tirsan Bakool, iyadoo sidoo kale ay howlgallo kawadaan gobolka Gedo.

Madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa horay us heegay in sannadkan uu noqon doono sannadkii Al-shabaab laga saari lahaa guud ahaan Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya