4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2014
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo Gaaray Duleedka Waajid

Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) — Ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa weerarro kala duwan ku qaaday xoogagga Al-shabaab ee ku sugan gobolka Bakool, inkastoo deegaannadii ay hore u qabsadeen sida Rab-dhuurre iyo Buur-dhuxunle ay dib ula wareegtay kooxda.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa waddada u dhaxeyso Rabdhuure iyo Waajid waxay kula kulmeen dagaal aad u culus oo Al-shabaab ay la galeen, gaar ahaan deegaannada lagu magaacabo Buur-dhuxunle, War-jinni iyo Bambaay iyadoo ay jiraan dhimasho iyo dhaawac tira badan oo labada dhinac.

Deegaannadaas ayaa laga jaray khadka is-gaarsiinta, ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ayaa galbnimadan waxay soo gaareen degmada Waajid bannaankeeda; gaar ahaan garoonka diyaaradaha Waajid oo magaalada u jira 1-km, magaalada way ka baxeen ciidamada Al-shabaab.

Kaddib markaan xiriir la sameynnay mid ka mid ah odayaasha dhaqan ee Waajid oo lagu magacaabo, Isaaq Maalin ayaa noo sheegay in magaalada ay gebi ahaan ka tageen shacabkii ku noolaa iyagoo aaday deegaannada kala ah: Kurto, Ceel-boon, Dhurre, halka qaarkoodna ay aadeen magaalada Baydhabo.

Magaalada Waajid ayaa saakay waaberigii waxaa lagu dilay ganacsade caan ah oo lagu magacabi jiray, Nuur Khaliif , kaasoo ay dileen xoogag Al-shabaab ka tirsan, lamana oga sababta keentay inay dilaan ganacsadaha.

Hiiraan Online, Baydhabo