4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2014
RW C/WELI: “Bulshadeennu waa in ay Ilaalinta Xuquuqda Haweenka"

Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 8-da Maarso oo ah maalin sannad walba la xuso maalinta haween-weynaha adduunka.

Mudane C/weli Sheekh ayaa sheegay inuu farxadda munaasabaddan la qaybsanayo haweenka, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka wada qayb-qaataam halganka lagu sugayo xuquuqda haweenka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay inay yihiin “Horseed iyo Madaalayaal".

“Maalinta haweenka adduunku waxay ina xusuusinaysaa inay weli jiraan caqabado iyo sinnaan la'aan ka dhex jirta bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada caalamka," ayuu hadal uu jeediyay ku sheegay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu mar kale yiri: "Dalkeenna Somalia weli haweenka waxaa haysta dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid yihiin tacadiyada jinsiga iyo gudniinka fircooniga ah. Qof kasta oo gala ambi ka dhan ah haweenka waa inuu waajahaa cadaaladda. Dhaqankeenna wanaagsan waa inaynu uga faa'iideysannaa kor-u-qaadidda xuquuqda haweenka."

"Dowladeyda waxaa ka go'an ilaalinta xuquuqda haweenka, waxaan abuurnay wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha, ujeedaduna waa in la dhawro xuquuqda haweenka Soomaaliyeed oo dhan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, wuxuu yiri: "In meesha laga saaro rabshadaha ka dhanka ah haweenka waxay meel sare kaga jirtaa mudnaanta xukuumadeyda. Dowladdu uma dulqaadan doonto tacadiyada ka dhanka ah haweenka, taasina waxaad ka arki kartaan sida cadaaladda loo horgeeyay dadkii falalkaas ku kacay sannadkii hore. Sidoo kale, waxaanu u baahan nahay inaynu bulshadeenna ka tir-tirno caadada aan diinta iyo dhaqanka suubban ku salaysnayn ee gudniinka fircooniga."

Ra'iisul wasaaraha ayaa ammaan u jeediyay dadka Soomaaliyeed ee u ololeeya xuquuqda haweenka, isagoo sheegay in dadkaas ay taariikhdu xusi doonto.

"Waxaad tusaale u tihiin mujtamac fur-furan oo wax wada-qabsanaya, dadaalladiinnu waxay noqonayaan kuwo la mahadin doono, waana inaad sii waddaan halgankaas. Waan hubaa inaynu gaari doono halka aynu u soconno ee aynu istaahilno haddii Alle idmo," ayuu hadalkiisa ku yiri ra’iisul wasaare C/weli.

Ugu dambeyn, ayuu ku yiri warbixintiisa: "Taariikh ahaan waxaynu leennahay haween Soomaaliyeed oo horseed ah una taagnaa halganka ay ummaddeennu soo martay, kuwaas waa inaynu ku faanna, kuna dayannaa."

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya