4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2014
GAAS: Puntland ma dalban ciidamada AMISOM umana baahna

Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka sheegaya in xukuumaddiisu ay codsatay in ciidamo ka tirsan kuwa howgalka nabad-ilaalinta ee AMISOM ay Puntland yimaadaan.

Madaxweynaha oo maanta waraysi siiyey laanta Afka-soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in si khaldan loo dhigay waraysi ay dhowaan ka qaadday wakaaladda wararka
Reuters ee fadhigeedu uu dalka Ingiriiska yahay.

C/weli Gaas oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay, in waraysiga ay la yeelatay Reuters uu ku sheegay keliya in Puntland ay taageero dhanka loojistikada ah uga baahan tahay AMISOM, gaar ahaan sidii gacan looga siin lahaa sugidda ammaanka xuduudaha ay la wadaagto gobollada ay Puntland deriska yihiin.

Codsigaas isaga ah, wuxuu Madaxweynuhu sabab uga dhigay maadaama Al-shabaab xilligan ay qorsheynayso inay awooddeeda usoo weeciso dhinaca Puntland, howgalka AMISOM-na uu yahay mid dalka oo dhan ku magacaaban, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in AMISOM ay Puntland ka caawiso dhanka loojistikada iyo sidii ay ammaanka xuduudaheeda uga dhigi lahayd mid sugan.

"Annagu AMISOM uma aynaan yeeran, Puntland waxay leedahay ciidamo isku filan oo suga nabadgalyada…balse AMISOM waa in ay naga taageeraan dhinaca loojistikada sida in ay na siiyaan qalabka isgaarsiinta iyo agab ciidan oo naga caawinaaya in aan ka hortagno Al-shabaab..." C/weli Gaas ayaa sidaas yiri.

Labo maalmood kahor ayey ahayd markii warbaahinta - gaar ahaan midda onlineke ahi - ay faafisay warka sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu dalbaday in ciidamo AMISOM ka tirsan la keeno deegaannada Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya