4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2014
Saraakiil ka tirsan safaarada Turkiga oo gaaray Degmada Beledweyne


Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo ay wehliyaan xubno ka tirsan safaarada Turkiga ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha iyo xubnihii la socday ayaa kormeer ku tagay qeybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan xaafadda Howl-wadaag oo ay booqdeen Suuqa xoolaha lagu iibiyo iyo Jaamacada Beledweyne, iyaga oo sidoo kale kormeeray kuna soo wareegay-qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

Saraakiisha Turkiga waxaa ku soo dhaweeyay isbitaalka agaasime Axmed Max'ed Khaliif iyo Dr Xassan Cumar Siyaad oo warbixin guud ka siiyay xaalada isbitaalka iyo bukaanka xiligan jiifa oo xubnaha Turkigu mid mid u soo eegeen.

Kormeerkooda kaddib waxaa kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta maamulka gobolka xubnaha ka socday safaarada Turkiga iyo mas'uuliyiinta maamulka iyo odayaasha dhaqanka oo ka wada hadllay siddii ay dowladda Turkiga mashaariic uga hergalin laheyd gobolka Hiiraan.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Odayaasha dhaqanka maamulka gobolka ayaa ka mahad celiyay dowladda Turkiga sida  ay u bar bar taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo howlaha kala duwan oo ay dalka ka qabanayaan, iyaga oo ka codsaday in sidaa oo kale gobolka Hiiraan laga hergaliyo mashaariic kala duwan oo ku saleysan baahiyaha xiligan ka jira si ay uga faa'ideystaan bulshada.

Ku-xigeenka safiirka Turkiga ee Soomaaliya Ismaaciil Caadil oo ka mid ahaa xubnaha maanta booqday magaalada Beledweyne, ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ee loo fidiyay, isaga oo sheegay in shacabka Turkiga iyo Soomaaliya yihiin dad walaalo ah.

''Waan ku faraxsannahay in aan maanta booqano Beledweyn oo aan soo eego xarumo kala duwan oo ay ka mid yihiin goobo waxbarasho iyo isbitaalka Beledweyne, macluumaadka aan ogaanay iyo warbixinta waxaa dib ugu celin doonaa safaarada si jawaabta ku haboon looga bixiyo,'' ayuu yiri Ismacali Caadil.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo xubnaha wafdiga hogaaminayay ayaa sheegay in kulan ay wada qaateen safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya kadib leysku afgartay in xubnahan maanta booqdaan magaalada Beledweyne, isaga oo sheegay in arrintan qeyb ka tahay sidii gobolka Hiiraan looga hergalin lahaa mashaariicda dowladda Turkiga ka wado qeybo badan oo ka mid ah dalka.

''Mudo bil ah ayaan ka maqnaa gobolka, anniga oo howlo shaqo ugu maqnaa dalka gudihiisa iyo dibadiisa, runtii intii aan magaalada Muqdisho ku sugnaa waxaan kulannay oo aan is aragnay safiirka dowladda Turkiga oo aan isku afgaranay in ay xubnahan booqdaan magaalada Beledweyne si ay u soo eegaan xaalada gobolka, gaar ahaan magaalada Beledweyne, maantana waa ay nala joogaan wafdiga dowladda Turkiga, waxaana rajeynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan dowladda Turkiga uga bilaabi doonto halkan [Beledweyne] mashariic hormarineed oo lagu caawinayo bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan,'' ayuu yiri guddoomiyaha gobolka.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan in dhawaan howlgal uu ka bilaaban doono degmooyinka gobolka ee ka maqan gacanta dowladda, waxaana uu intaa ku darray in arrintaasi aheyn mid qarsoodi ah, isaga oo sheegay in ciidamadu diyaar u yihiin fulinta howlgalkaas.

Waa markii ugu horeysay oo ay booqasho ku tagaan magaalada Beledweyne saraakiil ka tirsan dowladda Turkiga, waxaana booqashadooda la oran karaa  waa talaabo hor dhac u ah qorshe dowladda Turkigu ku dooneyso inay mashaariic uga hergeliso gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya