4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2014
Maalinta Haweenka Adduunka oo Muqdisho Laga Xusay (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay maalinta haween-weynaha dunida ee 08-da Maarso oo ah ayaa lagu qabtay magaalada Muqdihso, iyadoo ururrada haweenka degmooyinka, booliiska, asluubta, fannaaniinta iyo isboortiga ay socod ku mareen waddooyinka iyagoo watay boorar.

Xuska oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda horumarinta haweenka iyo xuquuql Insaanka ayaa waxaa gacan ka geysatay hay’adda CCD, waxaana kasoo qayb-galay xubn ay ka mid ahaayeen marwada madaxweynaha Somalia, wasiiradda haweenka, guddoomiyaha gobolka Banaadir, saraakiisha ciidamada qalabka sida, guddoomiyeyaasha 17-ka degmo iyo ururrada haweenka.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta gaadiidka booliiska iyadoo ay halkaas ay ku urureen haweenka Soomaaliyeed, kuwaaasoo soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, suugaan kala geddisan, guurow iyo gaadda-ka-ciyaar, waxaana kooxda baambeyda Qaranka ay garaacayeen muusigga iyo astaanta calanka.

Marwada madaxweynaha Soomaaliya, Qamar Cali Cumar, wasiiradda haweenka, Khadiijo Maxamed Diiriye iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa waxay ciidamada booliiska iyo kuwa asluubta ka qaateen salaam-sharaf.


HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Wasiiradda haweenka iyo xuquuqul insaanka oo gaba-gabadii munaasabadda hadal ka jeedisay ayaa hambalyo guud u dirtay dhammaan haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, iyadoo ugu hambalyeysay maalinta haween weynaha Dunida  ee 8-da Maarso oo sannad walba dunida laga xuso kuna beegan maanta.

“Haweenka Soomaaliyeed oo ah laf-dhabarka bulshada, waxaan meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa maalinta 8-da Maarso oo ah maalin qiimo weyn ugu fadhida haweenka, waxaan u rajeynayaa haweenka Soomaaliyeed in sannadkaan kiisa kale ay ku gaaraan nabad, barwaaqo, caafimaad iyo midnimo,” ayay Khadiijo Maxamed Diiriye ku sheegay hadalka ay jeedisay.

Munaasabadda ayaa kusoo gaba-gabowday jawi heer sare ah, waxaana caawa ka dhici doonta Muqdisho munaasabad ballaaran oo lagu xusayo maalinta haweenka adduunka, iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya