4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2014
Gabadh Somali ah oo Ban Ki-Moon kala hadashay khatarta Gudniinka


Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) — Fahma Maxamed oo ka mid ah Somalida wax ka barata magaalada Birstol ayaa shalay la kulantay xog-hayaha guud ee Qaramada Mdioobay Ban Ki-Moon, waxayna gabadhani u ololaynaysaa in guud ahaan dunida laga tir-tiro gudniinka fircooniga ah.

Gabdhan  oo 17-sano jir ah ayaa ku jirtay tiro qoysas Soomaali ah oo ka soo cararay colaadaha Soomaalya ,waxaana ay gudaha dalka Ingiriiska ka bilowday olole ballaaran oo looga soo horjeedo gudninkan.

Waxaa Banki-moon uu u  ballan -qaaday gabadhan iyo dadka la shaqaynayaba in Qaramada Midoobay ay kaalin muuqata ka ciyaari doonto sidii  loo cirib-tiri lahaa gudniinka fircooniga ah oo meelo badan oo ka mid ah adduunka laga isticmaalo.

Asbuuc ka hor kulankan  Fahma ayaa sidoo kale la kulantay  iyada iyo xubno kale oo Soomaali ay ku jiraan wasiirka waxbarashada ee Ingiriiska Michael Gove,oo isagana ballan qaad wanaagsan u sameeyay guddiga arintan ka shaqaynaya.

Codeyn arintan ku  saabsan oo dadweyne badan ay ka qayb-galeen  laguna daabacay websaydka Change.org ayaa waxaa taageeray qorshaha Fahmo dad gaaraya 234,000 oo ruux oo dunida daafaheed kala jooga ,kuwaasi oo geesinimo arintan ku tilmaamay.

Qorshahan ay Fahmo waddo ayaa lagu tilmaamay mid hal abuur ah, isla markaana loo baahanyahay in bulshada Soomaaliyeed laga wacyi galiyo gudniinkan  meel kasta oo ay adduunka ka joogaan si loo yareeyo inuu faafo .

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]