4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2014
08-da Maarso oo Maanta si Weyn looga Xusay Kismaayo (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) — Maanta oo ay ku beegan tahay xuska maalinta haweenka adduunka ee 08-da Maarso ayay haweenka ku dhaqan magaalada Kismaayo waxay si weyn u xuseen maalintan, iyagoo sameeay dibad-bax ballaaran oo ay ku muujinayeen dareenka ku aaddan xuska maalintan.

Boqollaal haween ah ayaa saaka isugu soo baxay fagaaraha weyn ee beerta xoriyadda ee degmada Kismaayo iyagoo ku labisnaa dhar ka sameysan calanka Soomaaliya iyo kan maamulka Jubba, waxayna haweenkani siteen boorar ay ku xardhanaayeen halku dhigyo ay ugu dabaaldagayeen 8-da Maarso.

Haweenkan ayaa waxa ay socod dheer kusoo mareen wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo, waxayna ugu danbeyn isugu tageen faagaraha weyn ee loo yaqaan Olombik, halkaasoo ay kula hadleen warbaahinta.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Batraan Maxamed Cabdulle oo ah guddoomiyaha ururka haweenka Jubooyinka oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in isu soo baxooda maanta uu yahay mid ay ugu dabaaldegayaan xuska maalinta haweenka aduunka oo ku beegan maanta islamarkaana ay uga soo horjeedaan gudniinka fircooniga ah.

Dhamaan haweenkii maanta ka hadlay madasha ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan xuska maalintan, waxayna si iskumid ah ugu hambalyeeyeen guud ahaan haweenka Soomaaliyeed ee ku nool daafaha Caalamka.

Xuskan ayaa noqonaya kii ugu weynaa oo haweenka ku dhaqan Jubooyinka ay ugu dabaaldegaan maalinta haweenka aduunka ee ku began 8-da Maarso, tan iyo wixii ka danbeeyay markii gacanta ku heynta magaalada Kismaayo lagala wareegay xoogagga AL-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya