4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2014
Golaha Wasiiradda oo Meel mariyey Sharciga Canshuuraha Berriga

Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo kulan ku yeeshay maanta Muqdisho ayaa ansixinayey hindisi-sharciyadeedka tariifada canshuuraha berriga.

Kulanka ayaa waxaa shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia C/weli Sheekh Axmed Maxamed, iyadoo wasiirradu kaddib dood dheer ay si wadajir ah isugu raaceen ansixinta hindise-sharciyadeedka oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, waxaana la filayaa in tallaabadan ay wax ka tari doonto dadaalka ay xukuumaddu kor ugu qaadayso daqliga dowladda si loo gaarsiiyo adeegyada loo qabanayo shacabka Soomaaliyeed meel walba.

Canshuuraha berriga ee ay qaaddoo dowladda ayaa u qaybsama laba qaybood oo kala ah canshuuraha toosan iyo tan dadban. Iyadoo ra’iisul wasaare Cabdiweli uu tilmaamay in si loo taabba-geliyo dowladnimada Soomaaliya loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuuraha ku waajibay.

“Daqligu ahmiyad weyn ayuu u leeyahay dowladda iyo dadaalkeeda ku aaddan soo-celinta amniga. Si daqligeennu u kordho, dadkana loo gaarsiiyo adeegga bulshada waxaa looga baahan yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay bixiyaan canshuuta,“ ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdiwali.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri: “Sannadkan 2014-ka, dowladdu waxay muhiimadda koowaad siinaysaa saddex arrimood oo kala ah amniga, daqliga iyo hay’daha dowladda oo shaqaynaya. Daqliga dowladda oo kordha wuxuu keenayaa adeegyo bulsho oo fara badan.”

Dhanka kale, xubnaha golaha wasiirrada ayaa warbixinno ku aaddan ammaanka ka dhageysatay wasiirro dhawaan loo xilsaaray inay qayb ka qaataan sugidda amniga guud ee magaalada Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya