4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2014
Hay’adda SADO oo Gargaar ka bixinaysa Deegaanno ka tirsan Gedo


Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) —
Howlo gurmad dhinaca biyo dhaaminta ah oo lagu gargaarayo kumannaan ruux oo u badan Xoolo dhaqato reer guuraa ah ayaa kasoconaya tuullooyin badan oo u dhaxeeya  Degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq oo ah meelaha ugu daran ee Biyo la'aantu ay sida daran u saameeysay bilihii ugu dambeeyey,waxaana howshan gurmadka biyodhaaminta ah wada Hay,adda Samafalka SADO.

Tuullooyinka ugu daran ee ay ka soconayaan gurmadka Biyodhaaminta ayaa waxaa ka mid ah,Geriley,cawsquran,Daarasalaam,Dayacgaroon,dhoomo-dheer, Meeri, kurbeese, Dhibayow, Janbiile iyo weliba dhulkamiyiga ah ee ku teedsan tuullooyinkaasi oo dhamaantood ahaa deegaanada ay ka jirtay biyala’aanta ugu daran ee Gobolka Gedo.

Aar Maxamed Maxamuud oo ah Gudoomiyaha deegaanka Gerileey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo hagaagayso xaaladda nololeed ee dadka iyo duunyada ku dhaqan tuulooyinka ay biya dhamintu ka socoto iyo deegaanada hoosyimaadaba, isagoosheegayna maalinkastaaba in la gaarsiiyo tuulooyinkaasi booyado Biyo ah,taasinawaxay wax weyn ay ka tartey nolosha dadka iyoduunyada.



Mid ka mid mid ah Howlwadeenda UrurkaSamafalka ee SADO oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in howsha gurmadka biyo dhaamintu ay u socotosidii loogu talagalay, islamarkaana biyaha ay gaarsiiyeen dad ka badan ilaa 4700 oo qoys, isagoo sheegayna in ay howshaasi gurmadka biya dhaaminta ay ka qayb qaadanayaan booyado gaarayo ilaa 20.

Dhinaca kalena Hay'adda SADO ayaa waxay deeq lacageed u qeybisey dad gaaraya ilaa 1200 oo qof oo u badan kuwo dan yar ah oo ku kala nool Tuullooyin ay ka mid yihiin, Cawsquran, Buusaar, Buro bardeesa iyo Samaroole. Deeqdani oo socon doonta mudo 3 bil ah ayey qoysaskaasi waxay qaateen mudo labo bil ah.

Si kastaba ha ahaatee hawshan gurmadka ah ee haatan ka socota deegaano badan oo tirsan GobolkaGedo ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli weli meelo badan ooGobolka ay kajirto baahi aad u daran oo dhinaca biyaha ah.






Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya