4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2014
XASAN SHIIKH: “Haweenku waa hormuudka bulshada Soomaaliyeed”

Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlayay munaasabadda maalinta haweenka caalamka oo ku beegan maanta oo Maarso ay tahay siddeed ayaa sheegay in haweenku ay yihiin horumuud bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan marka hore u dirayaa hambalyo dhammaan haweenka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku nool, waxaana leeyahay sii xoojiya dadaalkiinna muhiimka u ah shacabka. Haweenku waa hormuudka iyo laf-dhabarka bulshada Soomaaliyeed. Doorkii 23-kii sano ee lasoo dhaafayna waa mid muuqda, waxayna ahaayeen halbowlaha carruurta iyo qoyskaba oo ay mas’uuliyadda qoyska dhanka shaqada iyo dhaqaalahaba hayeen,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha oo sii hadlay ayaa yiri: “Diinteenna iyo dhaqankeenna ayaa tilmaamaya muhiimadda haweenka, shacabkana waxaan uga mahadcelinayaa sida ay mar walba u karaameeyaan, u sharfaan una dhowraan xuquuqda dumarka Soomaaliyeed. Dumarka Soomaaliyeed kuwooda gudaha jooga waxay mar walba ka shaqeynayeen sidii dagaallada loogu bedeli lahaa nabad iyo horumar. Kuwooda ka mid noqday qurbo-joogtana waxay hormuud ka ahaayeen sidii qoysaskooda iyo Soomaalida kaleba ay ugu soo diri lahaayeen biilkooda. Qoysaska gabdhaha dalka ku sugan, waxayna noqdeen kuwo aan illoobin qoyskooda iyo deriskoodaba.”

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in gabdhaha Soomaaliyeed ee qurba joogta ah ay fursad u heleen waxbarasho oo maanta ay muuqato kaalinta ay waxbarashada kaga jiraan, waxayna noo tahay buu yiri ammaan, dhiirri-gelin iyo wax lagu faano.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa meel walba oo ay joogaan inay xoojiyaan taageerada gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed oo lagu dhiirri-geliyo waxbarashada iyo shaqada, si ay ula tartamaan haweenka adduunka. Haweenka Soomaaliyeed waa inay danta guud ku midoobaan oo aragtiyaha kala duwan looga gudbaa si midnimo iyo wadajir ah. Ummad walbana horumarkeedu wuxuu ku xiran yahay sida loo sharfo oo loo qiimeeyo dumarkooda,” ayuu mar kale yiri Xasan.

Ugu dambeyn, wuxuu khudbadiisa ku yiri: “Dowladda Somalia waxaa ka go’an inay sii xoojiso dadaalkeeda ku wajahan sidii dumarka Soomaaliyeed ay xuquuqahooda u heli lahaayeen, bulshada uga dhex muuqan lahaayeen dumarka. Waana inaan ku dhiirri-gelinaa dumarka inay siyaasadda, waxbarashada iyo ganacsiga ka qayb-qaataan.”

Maanta oo kale sannad walba ayaa waxaa dunida laga xusaa maalinta haweenka, iyadoo haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo dhibaatooyinka ugu badan kala kulma bulshada dhexdeeda, sida kufsiga oo dhibaato ba’an ku haya duamrka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya