4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2014
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo xalay la kulmay Suxufiyiin kala duwan


Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xalay kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee warbaahinta ka howlgasha Muqdisho, kuwaasoo isugu jiray kuwa gudaha iyo kuwa dibadda.

Kulanka ayaa waxaa ku wehliyay wasiirka warfaafinta, Mustaf Sh. Cali Dhuxulow, iyadoo lagu casuumay wariyeyaal isugu jira rag iyo dumar, waxaana kulanka oo qaatay muddo shan saacadood ah la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo ku aaddan sidii ay wada-shaqeyn dhow u dhexmari lahayd dawladda iyo warbaahinta, ayna u tabin lahaayeen warbixinno u roon dhegaha shacabka qaybna ka qaadanaya horumarinta iyo xasilinta dalka.

Ra’iisul wasaaraha oo furay kulanka ayaa suxufiyiintii goobta ku sugnaa u sheegay in kulankan uu uga gol-leeyahay sidii ay isku baran lahaayeen madaxda qaybaha kala duwan ee warbaahinta; isla markaana ay u wada-shaqeyn lahaayeen dowladda iyo warbaahinta, maadaama warbaahintu ay qayb libaax ka qaadato sidii dadka la isugu soo dhaweyn lahaa dalkan dib loogu dhisi lahaa.

“Ujeeddada aan idiin casuumay waa inaan is-baranno isla markaana wanaagno aragti ku saabsan marxaladda dalka iyo kaalinta warbaahintu ka qaadan karto xasilinta iyo dib u dhiska dalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha C/weli Sheekh oo ka hadlayay intii uu socday kulanka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay madax iyo howlwadeenno ka tirsan warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah iyagoo soo bandhigay aragtidooda ku wajahan sida loo sii horumarin karo xiriirka dawladda iyo warbaahinta, iyagoo balan qaaday inay ka shaqeynayaan wacyigelinta bulshada si loo helo amni, dib  u dhis iyo horumar.

Gabagabadii ra’iisul wasaaruhu wuxuu xusay inuu aad ugu faraxsan yahay kulanka uu la qaatay warbaahinta isagoo sheegay in waxyaalihii ay soo jeediyeen oo dhan uu si deg-deg ah ugu dubin doono golihiisa wasiirrada lana dhaqan-gelin doono.

“Wariyeyaasha Soomaaliyeed maalin kasta waa la beegsadaa, sababta loo dilayana waa in kooxaha argagixisadu aysan doonayaan in runta la sheego, waxaana la idin kaga baahan yahay inaad bulshada ka wacyigelisaan dhibaatada kooxahan iyo sidii loo cirib-tiri lahaa,” ayuu yiri ugu dambeyntiina ra’iisul wasaaruhu kulankii uu la yeeshay warbaahinta ka sheegay.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dhexmara ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo qaybaha warbaahinta dalka, iyadoo warbaahintu ay horay kulan noocan oo kale ah ula qaateen ra’iisul wasaarihii hore, Cabdi F. Shirdoon (Saacid).

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya