4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2014
Safaarada Somalia ee Belgium oo dayactir lagu billaabay (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) — Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Belgium oo tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya aan helin wax dayactir ah ayaa haatan waxaa lagu billaabay dayactir dib loogu habeynayo.

Dayactirkan ayaa laga billaabay dabaqa labaad ee dhismaha safaaradda iyo qol weyn oo ku yaalla dabaqa koowaad ee isla dhismaha, markii ugu horreysay ayay qolalkaas yeelanayaan koronto casri ah iyo kululeysooyin, taasoo looga gol-leeyahay si howlaha safaaraddu ay si caadi ah ugu socdaan.

Safiirka oo arrintaas ka hadlaayay ayaa sheegey inaysan suuro-gal ahayn in lagu shaqeeyo safaaradda marka la eego xaaladda ay ku sugnayd. Guriga safaaradda oo ku yaalla waddo caan ah oo ay safaaraddo badan degen yihiin ayaa wax qabad deg-deg ah u baahan.

“Niyaddeyda ayaa I siin weyday in marka la eego xaaladda dhismaha safaaraddu ku sugnaa inaan ku shaqeeyo, waayo wax la qaadan karo ma aysan ahayn,” ayuu safiirka Soomaaliya ee Belgium ahna safiirka Midowga Yurub ee Somalia, Cali Sidiid Fiqi u sheegay HOL.

Kharaashka lagu billaabay qaybta koowaad ee dayactirka safaaradda Somalia ee Beligum ayaa waxaa si amaah ahaan ah ku bixiay daljire dahsoon oo Soomaali ah oo fiirsan waayay xaaladda ay safaaraddu ku sugnayd, sida uu sheegay danjire Fiqi.

“Xarunta safaaradda Somalia ee dalka Belgium oo aad u burbursanayd meel wanaagsan ayay maraysaa hadda, waxaana laga soo saaray qashin fara badan oo ku jiray,” ayuu yiri danjiraha oo HOL la hdlay.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay inay qorsheynayaan in safaaradaha kale ee Somalia ay ku leedahay dalalka Yurub sida Talyaaniga iyo Jarmalka ay dayactir ku billaabaan haddii ay ku guuleystaan dayactirka safaaradda Somalia ee Brusells.

Qorshaha dayactirka safaaradda Somalia ee dalka Belgium ayaa yimid markii ay horraantii sannadkan booqasho ku tageen magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium qurbo-joog Soomaaliyeed oo ballanqaaday inay dayactirka safaaradda qayb weyn ku yeelan doonaan.

Ugu dambeyn, dajiruhu wuxuu u mahadceliya jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka England iyo Holladn oo uu sheegay inay qayb weli ku lahaayeen in dayactir lagu billaabo safaaradda, isagoo xusay inay taasi dhiirigelin u noqonayso dhamaan Soomaalida dibadaha ku nool.

Dhanka kale, boqorka dalka Belgium ayaa ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee dalka Belgium ahna danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Siciid Fiqi warqadihii aqoon-siga dan-jirenimo.




Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya