4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2014
P/LAND: shilalka gaadiidka oo sannadkan aad u kordhay (SAWIRRO)

Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) — Shilalka gaadiidka ayaa si joogto ah uga dhaca jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Gaalkacayo iyo Boosaaso. Shilalka ugu badani waxay ka dhacaan inta u dhexeysa deegaanka Qayaadsame iyo Tuulada Laag.

Gaashaanle Maxamed Finiin Yuusuf waa taliye ku-xigeenka ciidamada nabadgelyada waddooyinka Puntland, ahna taliyaha taraafikada gobollada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuuy.

Xafiiskiisa magaalada Boosaaso ayaan ku booqday, waxanna ka waraystay shilalka gaadiidka, khasaaraha ay sannad walba geystaan, waxa inta badan sababa iyo weliba deegaanada ay shilalka ugu badni ka dhacaan.

Mudane Finiin ayaa ugu horreyn si kooban iigaga warbixiyey tirakoobka rasmiga ah ee shilalkii sannadkii hore ee 2013 ka dhacay gobolka Bari oo qura, wuxuuna sheegay inay dhaceen 1120 shil, khasaaraha nafeed ee ka dhashayna uu yahay 57 qof oo dhimasho ah iyo weliba 347qof oo dhaawacyo kala duwani ay soo gaareen.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:-

Gobolka ugu shilalka badan Puntland ayuu taliyuhu wuxuu sheegay inuu yahay gobolka Bari, mar aan weydiiyey sababta, wuxuu taas ku micneeyey gooladaha iyo buundooyinka oo ku badan gobolka iyo weliba dareewallada baabuurta xamuulka ee safarka dheer  soo gala oo iyaga oo daallan kusoo beegma.

Tirada ciidamada taraafikada Puntland mar aan weydiiyey wuxuu ku jawaabay " ciidamada tiradoodu aad ayey u yartahay way yar yihiin, mana kafeyn karaan baahida taraafikada loo qabo, qalab meleh daryeel kalena ma haystaan tiradooduna Puntland oo dhan waa 76 askari"

Ugu dambeyntii, wuxuu Gaashaanle Finiin digniin culus u diray mulkiileyaasha gaadiidka, isagoo ku boorriyey inay mas'uuliyad culus isa saaraan, gaadiidkoodana aysan u dhiibin dhallinyaro aan mas'uuliyad qaadi karin laysanka wadista gawaaridana aan haysan.

Isku soo wada duuboo, shilalka ka dhaca Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyaba, waxaa loo aaneeyaa dhowr sababood oo ay ugu muhiimsan yihiin: dareewallada oo aan khibrad iyo aqoon fiican lahayn, jidka oo xun iyo gawaarida oo si tankooda ka baxsan loo raro.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya