4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 7 , 2014
Axmed Madoobe oo ka hadlay Maamulkii looga dhawaaqay Baydhabo


Jimco, Maarso 07, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sh. Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay maamul lagu magacdaray Koonfur-galbeed Somalia ee ka kooban lixda gobol oo toddobaadkii hore looga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Sheekh Axmed Madoobe oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in maamulka looga dhawaaqay magaalada Baydhabo uu yahay mid iska riyo ah, isla markaana aanan waaqaca ku saleynayn.

Wuxuu sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto dhismaha maamulka iyadoo loo maraayo hab ku dhisan juquraafiga dalka.

Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya lana kulmay mas’uuliyinta dowladda Itoobiya oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaaraha dalkaas ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee ku biiray AMISOM goobaha ay tegi doonaan ay ka mid yihiin gobollada Jubbooyinka.

Dhinaca kale, Sheekh Axmed Madoobe wuxuu ka hadlay arrinta wareejinta dekadda iyo garoonka Kismaayo ee ku jiray heshiiskii ay dowladda Soomaaliya ay isla gaareen, isagoo sheegay inay jiraan waxyaabo ka horreeya oo aan la fulin.

“Dhamaystirka heshiiskii Addis Ababa ma ahayn mid dekadda iyo garoonka ku eg, balse waxaa jira arrimo badan oo ka horreeya oo la rabay in la dhameystiro kuna jira dastuurka dalka,’’ ayuu Sh. Axmed ku sheegay wareysiga.

Maamulka Baydhabo looga dhawaaqay ayaa la sheegay in gobollada uu maamulayo ay ka mid yihiin kuwa Jubbooyinka oo hoos-taga maamulka KMG ee Jubba, iyadoo dhismaha maamulkaas ay si weyn uga soo horjeesateen dowladda Soomaaliya iyo beesha calaamka.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka Koonfur-galbeed ee dhawaan lagu doortay magaalada Baydhabo ayaa waxaa maanta loo dhaariyay xilalkooda, iyadoo mid ka mid ah mas’uuliyiintan uu sheegay in maamulkoodan ay hoos-imaan doonaan 37-degmo oo ku yaalla lix gobol.

Inkastoo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay goob-joogayaal ka ahaayeen doorashadii madaxda maamulka KMG ah ee Jubba iyo dhaarintoodii maanta ayaan la ogeyn go’aanka ay dowladdu ka qaadanayso maamulkaas, marka laga reebo inay horay u sheegeen inaysan aqoonsanayn maamulkas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya