4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 7 , 2014
Shirweynaha Waxqabadka Maamulka Puntland oo Furmay (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 07, 2014 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa maanta ka furmay shirweyne ku saabsan qorsho howleedka xukuumadda Puntland ee waqtiga yar jirta.

Shirkan waxaa daah-furay madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, waxaana kala qayb-galay madaxweyne ku-xigeenka, C/xakiim Cabdullaahi Cumar iyo dhammaan xubnaha ka mid ah golaha wasiirrada xukuumadda maamulka.

C/weli Gaas ayaa ujeeddada shirka ku sheegay inay tahay sidii la isugu xiri lahaa oo loo mideyn lahaa shaqada xukuumadda, kaasoo socon doonna muddo labo maalin ah, iyadoo labadaas maalin lagu doonayaa in la dhaqan-qeliyo qodobbadii kasoo baxa oo intooda badan ka mid ahaa ballan-qaadyadii xilligii doorashada uu bixiyay madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay inuu shirku yahay mid ku saleysan hiigsiga xukuumadda uu hoggaaminayo, isagoo shan qodob u kala saaray, kuwaasoo kala ah:

1. Xoojinta nabadgelyada iyo dib u dhiska hay’adaha ammaanka.
2. Dib u heshiisiinta, cadaaladda iyo dimuqraadiyadda.
3. Ganacsiga, dhiiri-gelinta maal-geshiga iyo  horumarinta dhaqaalaha.
4. Horumarinta arrimaha bulshadda (caafimaadka iyo waxbarashada.
5. Maamul-wanaagga, la-xisaabtanka iyo  la-dagaalanka musuq-maasuqa.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland waxaa kaloo uu sheegay in xukuumadda looga fadhiyo dhammaan qodobbadii ay xukuumaddu ballan-qaaday waqtigii doorashada, isagoo intaas ku daray in waqtigan loo baahan yahay in laga baxo shaqo dhallinta Puntland ku nool haysata.

Gaas ayaa xusay in dhallinyarada Puntland ay noqdaan kuwo ka samata-baxa dhammaan caqabada keeni kara inay arrimo xun faraha la gaalan, isagoo ku daray hadalkiisa in Turkigu uu gacan ka siinayso dhismaha iskuulka farsamada gacanta ayna jiri doonaan barnaamijyo dhallinta looga jeedinayo falalka amni-darrada ah sida ka mid noqoshada xagjirnimo, burcadbadeedda iyo tahriibka.

Madaxweynaha Puntland ayaa kula dardaarmay wasiirradii shirka joogay inay u si hufan oo daacad ah u shaqeeyaan, maadaama ay xilalka dhaarteen ugana soo baxaan shaqada loo ig-maday, si loo gaaro mustaqabal iftiimaya ee ay Puntland higsanayso.

Wasiirradii kulanka goobjoogga ka ahaa ayaa waxay iyaguna soo bandhigeen qorshaha u dagsan in wasaaradahoodu ay wax ka qabtaan, waxayna sheegen inay dar-dar galinayaan shaqdooda ayna fulin doonaan dhammaan ballan-qaadyadi horay ay xukuumaddu u sameysay.

Shirkan ayaa la soo xiri doonaa maalinka berri ah, waxana ka sokow xukuumadda xubnaheeda talooyin ku biirinaya quburo ku xeel-dheer siyaasadda, garsoorka, dhaqaalaha iyo maamulka.

Isku soo wada-duubo, shirkan wuxuu imaanayaa xilli xukuumadda Puntland ay ballan-qaadday inay muddo boqol maalmood ah ay horseedi doonto isbadal weyn oo kasoo dhex ifa Puntland, waxaana hadda muuqata in xukuumaddu ay doonayso sidii ay u oofin lahayd dhammaan ballammadii ay qaadday.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya