4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 7 , 2014
Arday wax ka bartay Hope University oo Master ka qaatay Kampala


Maamulaha Hope University Prof. Najiib Shiikh C/kariin oo la taagan Ardaydii Shahaadada la guddoonsiiyay


Jimco, Maarso 07, 2014 (HOL) — Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxaa lagu qabtay maanta munaasabad qalin-jabin ah oo shahaadada Master-ka lagu guddoonsiiyay ardayda ka qalin-jabisay Kampala University qaybta Master-ka.

Ardayda Qalin-jabisay oo tiradoodu ahayd 135-arday oo 59 ka mid ah ay ahaayeen arday wax ku baratay Hope University, waxayna kala socdeen laamaha ay ku leedahay Hargeysa, Muqdisho iyo Garoowe.

Bixinta shahaadahan ayaa waxaa iska kaashaday Kampala University iyo Hope University, waxaana labada jaamacadood ka dhexeeya heshiis dhinaca waxbarashada ah, gaar ahaan shahaadada Master Degree-ga.


59-ka arday ee qaatay shahaadada Master-ka ee wax ka bartay Hope University ayaa kasoo kala baxeen laamaha jaamacadda, waxayna kala ahaayeen: 26-arday oo ka qalin-jabisay Muqdisho, 26-arday oo ka qalin-jabisay Hargaysa iyo 07-arday oo ka qalinjabisay Garowe.


Shahaado sharafta Golden Certificate for Excellent of Research oo ahayd shahaado sharaf dheeraad ah ayaa waxaa ku guuleystay 15-arday oo 11 ka mid ah ay yihiin ardaydii wax ku baratay Hope University.

Ardayda ka qalin-jabisay Kampala Uinversity waxay ka qalin-jabiyeen kulliyadaha:

1. Master of International Relation and Diplomacy
2. Master of Business Administration
3. Master of Development Studies
4. Master of Public Health
5. Master of Public Administration

Ardaydaas oo fusad ballaaran u heshay in iyagoo jooga gurigoodii iyo goobtooda shaqo ay wax-bartaan, kaddibna ay ka helaan shahaadada Master-ka Kampala Unioversity, waxaana hawshan fududeysay jaamacadda Hope oo bixinaysa waxbarashadii iyo manhajkii Kampala University.

Munaasabadda qalin-jabinta oo ka dhacday xarunta jaamacadda Kampala University ayaa waxaa ka qayb-galay siddeed arday oo ka mid ah ardaydii wax ka baratay Hope University kana guddoomay Shahaadooyinkoodii maamulka Kampala University, waxayna ardaydaas kala ahaayeen:

HARGEYSA:

1. Maxamed Cili Aadan oo ah agaasinka wasaaradda kulluumaysiga Somaliland
2. Sadiiq Maxamed Ibraahim, madaxa hay’adda Islamic Relief - Somaliland
3. Muna Cali Warsame
4. Liibaan
5. Cabdiraxmaan

MUQDISHO:

1. Iidle Nuur Cabdi
2. Cabdullaahi Aadan Nuur
3. Bishaar

Xafladda qalin-jabinta ah ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Prof. Najiib Sheekh C/kariim oo ah maamulaha Hope Universigty, isagoo ardaydii shahaadada Master-ka ah la siiyay la wadaagay faraxadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya