4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 7 , 2014
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo qabsaday Degmada Xudur


Jimco, Maarso 07, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ayaa gellinkii dambe ee maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Xudur ee gobolka Bakool oo ay ka talinaysay Al-shabab.

Dagaal xooggan oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay ayaa ka dhacay dibadda degmada Xudur, iyadoo dagaalka kaddib ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen degmada Xudur.

Taliska AMISOM ayaa xaqiijiyay in Xudur ay gashay gacanta ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya, iyadoo aysan bixin faahfaahinno intaas ka badan oo ay bixisay AMISOM.

“Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa qabsaday degmada Xudur ee gobolka Bakool,” ayaa lagu yiri warbixin kooban oo lasoo dhigay bogga ay AMISOM ku leedahay shabakadda xiriirka bulshada ee Twitter-ka.

Ma cadda khasaare nafeed oo ka dhashay dagaalka oo ahaa mid culus, iyadoo qabashada degmada Xudur ay kusoo beegmayso iyadoo dagaalyahannada Al-shabaab ay xalay dib ugu laabteen degmada Rabdhuurre ee isla gobolka Bakool oo maalin ka hor ay kala wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda.

“Degmada Xudur waxaa la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, mana arag wax khasaare ah oo dagaalkii dhexmaray ka dhashay,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Al-shabaab ayaa iyaduna xaqiijisay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ay si naf-la-caarinimo ah kula wareegeen gellinkii dambe ee maanta degmada Xudur ee gobolka Bakool. Iyagoo sheegay inay ciidamada Itoobiya gudaha degmadaas kula beegsadeen qaraxyo khasaare geystay.

Itoobiya iyo dalal kale oo Afrikaan ah ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo gacan ka siinaya dowladda Soomaaliya dagaallada ay kula jirto Al-shabaab, iyadoo howlgalladan oo ah kuwo cusub lagu sheegay in dalka oo dhan ay ku qabsadaan.

Tan iyo sannadkii 2011 ayaa waxaa Al-shabaab laga qabsaday degmooyin badan oo ay ka talinayeen, iyadoo howlgallada ay horkacayaan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ay ka wadaan Koonfurta Soomaaliya ay yihiin kuwo kusoo beegmay xilli madaxda dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqeen in sannadkan uu noqonayo sannadkii Al-shabaab laga saari lahaa Soomaaliya oo dhan.

Dhanka kale, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM ka socda dalka Itoobiya ayaa ku wajahan degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool, iyadoo Al-shabaabna ay isku dayayso inay difaacan doonto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya