4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 7 , 2014
Ururka Haweenka Naafada ah oo Muqdisho lagu dhisay (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 076, 2014 (HOL) — Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed ee SWDC ayaa lagu qabtay maanta munaasabad looga dhawaaqay urur ay leeyihiin haweenka lixaadkoodu dhiman yahay (Somali Women Disability Association) oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (SOWDA).

Munaasabadda dhismaha ururkan ayaa waxaa ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee  bulshada, madaxda xarunta SWDC, ururrada ay leeyhiin naafada Soomaaliyeed  iyo marti sharaf kale.

Ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay, Ibraahim Axmed oo ka tirsan xarunta SWDC oo sheegey in haweenka lixaadkoodu dhimman yahay ay mar walba yihiin kuwo u nugul dhihbaatada; sidaa darteedna loo baahan yahay sidii gacan looga siin lahaa haweenkaas inay urur sameystaan, isagoo bulshada Soomaliyeed iyo hay’adaha samafalka ugu baaqayaa inay garab istaagaan haweenkaas .

Xubnhii kale ee munaasabadda ka hadlay waxaa ka mid ah, Xaliimo Ibraahim oo ka mid ah bulshada rayidka, waxayna sheegtay inay soo dhaweyneyso in haweenka lixaadkoodu dhimman yahay ay sameystaan urur ay ku mideysan yihiin, waxayna  xustay in haweenkan ay ka maqan yihiin xaquuqo fara badan oo loo baahan yahay sidii ay ku heli laayeen.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Guddoomiyaha naadiga Pen ee Koofurta iyo Batamaha Soomaaliya, C/naasir Yuusuf Macallin oo ka hadlay munaasabadda lagu dhisayay ururkaas ay leeyihiin haweenka lixoodkoodu dhimman yahay ayaa sheegey in ururkan uu mudan yahay in taageero ballaaran la siiyo maadaama ay yihiin kuwa ugu nugul marka bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaa kaloo uu sheegey in naadiga Pen uu gacan siin doono.

Farxiyo Muumin oo hadashay ayaa iyaduna hoosta ka xariiqday inay dadaal u geli doonto sidii haweenkan ay u heli lahaayeen xaquuqdooda isla markaan ay ula mid noqon lahaayeen bulshada inteeda kale, waxayna u soo jeedisey dowladda Somalia iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibadda dalka inay taageero la garab-istaagaan ururka SOWDA.

“Markii aan weynay cid noo soo dhicisa xaquuqdeenna ayaan go’aansannay inaan sameynno ururkan,” ayay tiri Caasho Cali Xasan oo ka mid xubnaha ururkaan ku dhawaaqay, iyadoo jeedisay baaqayadii ay jeediyeen xubnhii munaasabadda ka hadlay, waxayna shacabka Soomaaliyeed ka dalbatay inay garab istaagaan ururka ay ku dhawaaqeen.

Maryan Dakhal Xuseen oo ka mid ah mas’uuliyiin xarunta SWDC oo munaasabadda ka hadashay ayaa tiri: “Maadamaa ururka SWDC uu u taagan yahay horumarinta haweenka Soomaaliyeed, waxaana naga go’an inaan ku taageerno ururka SOWDA wixii awoodeenna ah.“

Ugu dambeyn, waxaa halkaas ka hadashay guddoomiyaha ururka cusub, Basiiro Cabdi Maxamed iyadoo uga mahadcelisay xarunta SWDC sidii ay uga taageereen in ururka SOWDA ay ku dhawaaqaan, iyadoo xustay in xilka loo dhiibay ay u gudan doonto si cadaalad ah, waxayna bulshada Soomaaliyeed iyo, dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka inay gacan siiyaan ururkooda cusub.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya