4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 7 , 2014
Tartan Qur’aan oo lagu Qabtay Magaalada Buuhoodle (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 076, 2014 (HOL) — Tartan Qur’aanka kariimka ah oo ay ku tartamayeen ardayda da'doodu ka yartahay toddobada sano ayaa lagu qabtay magaalada Buuhoodle.

Munaasabadda oo ay ka qayb-galeen bahweynta aqoonta, waaliddiin iyo dadweyne ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay maamulaha kulleejada Abu-bakar Siddiiq, Shiikh Khadar Cismaan C/raxmaan oo ka warbixiyey kolleejka iyo waqtigii uu furaa oo ka yar sannad, wuxuuna in tartankan uu yahay mid ay bulshada ku tusayaan midhihii ay soo saareen.

Tartanka Qur’aanka Kariimka ah kaddib ayaa waxaa halkaas hadal kasoo jeediyay Aadan Cali Colow oo ka tirsan golaha deegaanka Buuhoodle, kana mida waaliddiinta ardayda tartamayay isagoo sheegay in arrintan uusan horey u arag, gaar ahaan heerka ay caruurta oo aad u da’yar ka gaareen barashada Qur’aanka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, Caaqil Cabdisamad Cali Xasan oo ah maamulaha shirkadda Telesom ayaa isagana wax la yaab leh ku tilmaamay dadaalka ay sameeyeen macallimiinta gacanta ku haya kolleejka, isagoo ugu baaqay inaanay dib u noqon ee ay sidaas ku sii wadaan.

Madaxa jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle, Sheekh Cabdishaafi Axmed Cali ayaa hadal uu munaasabadda ka jeediyay wuxuu ka codsaday waaliddiinta iyo bulshada reer Buuhoodle inay gacan ka geystaan horumarinta aqoonta, isagoo ku daray hadalkiisa in yaraanta waxbarashad ubadka ay gaadho illaa qofku gaboobo oo aanay tir-tirmin.

Tartanka oo ahaa kii ugu horreeyay ee nooceeda ah ee lagu qabto Buuhoodle ayaa waxay quluubta dadkii kasoo qayb-galay ku beertay qiiro, waxayna dadka intooda badan hadal hayeen da'yarta iyo heerka ay ka marayeen barashada Qur’aanka.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool