4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 7 , 2014
Booliiska Kenya oo sheegay in la weeraray Koontaroolka Mandheera

Jimco, Maarso 076, 2014 (HOL) — Kenya ayaa sheegtay in xoogag looga shakisan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin ay weerareen bar-koontarool oo ku taalla Mandheera oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Weerarkan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliiska Mandheera, Jackson Rotich isagoo sheegay inaysan jirin cid wax ku noqotay, wuxuuna xusay in weerarkaas uu dhacay 2:00 habeenimo ee Khamiistii shalay ahayd.

Sidoo kale, taliyaha ayaa u sheegay wargeyska Standard ee kasoo baxa Kenya in kooxihii weerarka soo qaaday ay bambooyin ku weerareen saldhigga, ayna heleen weerarka kaddib qaraxyada bambooyinka qaarkood.

"Waxay ciidamadeennu ka heleen walxaha qarxa meel ku dhow soohdinta ay labada dal wadaagaan, " ayuu yiri Rotich. Isagoo intaas ku daray in ujeedka weerarka uu ahaa mid lagu doonayay in waxyeello lagu geysto.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri:”Koontgaroolka la weeararay wuxuu ku dhow yahay xadka waxaa xilligaas ku sugnaa soddon ciidamadeenna booliiska ka tirsan, mana jiro wax khasaare ah oo gaaray ciidamadaas.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay in booliska ay billaabeen baaritaanno ayna xirneen qof looga shakisan yahay inuu ka mid ahaa kooxihii weerarka ku lugta lahaa, isagoo ku daray hadalkiisa in ruuxa ay qabteen ay baaritaanno ku hayaan.

Wuxuu sheegay in booliisku ay kor u qaaddaan sugidda ammaanka magaalada iyo inay hubiyaan dadka soo galaya magaalada ee ka imaanaya dhinaca Soomaaliya in ay ku jiraan xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Ugu dambeyb, Rotich wuxuu sheegay in ciidamadooda ay maalin walba baaritaan sameeyaan inta u dhexeysa aroornimada hore ee maanta iyo fiidnimadii, taasoo ay ku hubinayaan dadka soo galaya magaalada Mandheera.

Mandheera oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa waxaa dhowr jeer weerarro ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla magaaladaas, iyadoo lagu dilay ciidammo ka tirsan booliiska Kenya.

Al-shabaab weli kama aysan hadlin weerarka ay ku qaadeen koontaroolka ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya ee ku yaalla magaalada Mandheera oo masaafo aad u yar u jirta xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya