4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 7 , 2014
Al-shabaab oo dib u qabsatay Rabdhuure iyo ciidamo ku dhow Xudur


Jimco, Maarso 076, 2014 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay inay xalay dib u qabsadeen degmada Rabdhuurre ee gobolka Bakool, kaddib markii maalmo ka hor ay ka qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ka tirsan.

Al-shabaab la sheegay in 10:00 habeennimo ee xalay ay dib ugu laabteen degmadaas ayna iyagu hadda gacanta ku hayaan, iyadoo la sheegay in ciidamadii horay uga qabsaday ay u dhaqaaqeen dhinaca degmada Waajid ee gobolka Bakool oo ay Al-shabaab ka taliso.

Wariyaha HOL ee gobollada Bay iyo Bakool ayaa soo sheegaya in Al-shabaab ay gudaha degmada Xudur ka taageen calanka ay caanka ku yihiin Madowga ah, iyadoo dadkii ku noolaa degmadaas ay weli dibadda uga maqan yihiin.

“Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay dib u qabsaday degmada Rabdhuurre oo maalmo ka hor laga saaray Al-shabaab, iyaga ayaana hadda si buuxda gacanta ugu haya,” ayuu yiri Wariyaha HOL oo haatan ku sugan degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

Sidoo kale, wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidanka huwanta ah ee dowladda iyo Itoobiya ay masaafo aad u dhow u jiraan degmada Xudur, balse lama sheegin wax dagaallo ah oo weli dhacay.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool ayaa horay u sheegay inay ka go’an tahay inay Al-shabaab ka saaraan gobollada Bay iyo Bakool, inkastoo dib u qabsashada degmada Rabdhuurre ay dhabar-jab ku noqonayso howlgallada cusub ee ka billowday gobolka Bakool.

Dhanka kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidammo fara badan oo Itoobiyaan iyo Soomaali ay ku u jiheysteen dhinaca degmada Waajid oo ka mid ah degmooyinka ku yaalla gobolka Bakool ee ay Al-shabaab maamusho.

Al-shabaab ayaa ka hadashay dib u qabsashada degmada Rabdhuurre ee gobolka Bakool, iyagoo sheegay inay markii hore xeelad uga baxeen degmadaas balse ay haatan dib ugu laabteen.

Dagaalkii ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ay maalin ka hor ku qabsadeen degmada Rabdhuurre ayaa waxaa ku dhintay 12-ruux oo ka tirsanaa dhinacyada dagaalamay, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya