4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 7 , 2014
Barkhad oo mar kale wax ka Matalaya filimka cusub ee Sweet Brown


Jimco, Maarso 07, 2014 (HOL) — Jilaaga Soomaaliyeed ee Barkhad Cabdi ayaa mar kale wax ka jilaya filim cusub oo ay samaynayso shirkadda Hollywood-ka, kaasoo magaciisu yahay Sweet brown,isla markaana ay ka wada qayb-gali doonaan ,isaga iyo dhowr jilaa oo kale oo caan ah.

Filimkan ayaan laga matali doonaa qiso dhab ah oo ka dhacday magaalada Oklahoma City oo ku taalla Maraykanka ,waxaana Barkhad uu filimkaas ku jilayaa in uu yahay madaxweynaha dalka Maraykanka Barack H. Obama.

Jilaayaasha kale ee filimka ayaa kala ah Queen Latifah oo jileysa Sweet Brown, Adam Driver oo jilaya Steve Jobs,waxaana filimkana laga sii dayn doonaa Telefishinka ABC iyo waliba Youtube-ka oo si live ah looga wada  daawan doono adduunka oo dhan.

Barkhad Abdi oo ka hadlayay filimka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay kaalinta uu ka ciyaari doono, isagoo xusay inuu ku riyaaqayo waayihiisa Hollywood-ka, maadaama waqti badan ay ku qaadatay inuu yimaado Maraykanka.

Sweet Brown oo magaceeda runta ah uu yahay  kimberly ayaa caan noqotay sanadkii 2012-kii ka dib markii ay ka soo bad-baadday dab ka kacay dhismahii ay degenayd subaxnimadii aroortii ee 7-dii April maalin sabti ah.

Ugu danbayntii Jilaaga Soomaaliyeed Barkhad Cabdi ayaa ku soo caan baxay filinki Captain Philips ,kaasi oo laga sameeyay burcad badeedda Soomaaliya ,isagoo intaa ka dib helay taageero badan oo ay muujiyeen qaar kamid ah jilaayaasha ugu caansan Hollywood-ka  sida Tom Hanks oo filmkaas ay wada mataleen.

Linkigan hoose ka daawo filimka oo goos-goos ah:

http://www.youtube.com/watch?v=lYVh4jo8nw0

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]