4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 7 , 2014
Ciidamada Itoobiya oo Dhaq-dhaqaaqyo ka billaabay Gobolka Gedo

Jimco, Maarso 07, 2014 (HOL) — Ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka billaabay deegaanno ka tirsan gobolkaas, iyadoo sidoo kale Al-shabaab ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waddo degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo ay gobolkaas kaga sugan tahay.

Goob-joogayaal ku sugan Garbahaarey iyo Luuq ayaa sheegay inay ka ambabaxeen saakay aroortii degmooyinkaas ciidammo fara badan oo u jiheystay degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo.

Sidoo kale, goobjoogayaal ku sugan degmooyinka ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobolka ayaa sheegaya in xiisado aad u kacsan ay ka jiraan labadaas degmo ayna dhaqdhaqaaqyo ciidan wadaan xoogagga Al-shabaab.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya inay jiraan dad ka barakacay degmada Buurdhuubo, inkastoo dadka badankiis ay weli ku sugan yihiin gudaha degmadaas, waxaana dhaqdhaqaaqyadan ay qayb ka noqonayaan kuwa Itoobiya ay ka waddo gobolka Bakool.

Ciidamada Itoobiya oo dhawaan ku biiray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay horay u sheegeen inay dagaal adag la geli doonaan Al-shabaab oo weli gacanta ku haysa deegaanno badan oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku yaalla.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa iyaduna sheegtay inay ka hortagayso duulaanka lagu soo qaaday deegaannada ay ka taliso, iyagoo shacabka ugu baaqay inay dagaalka ka qaybgalaan ayna ka hortagaan ciidamada Itoobiya.

Gobolka Gedo ayaa waxaa intiisa badan ka talisa dowladda Soomaaliya, marka laga reebo degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo Al-shabaab ay gacanta ku hayso, lamana oga sida uu xaalku isku bedeli doono maalmaha soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya