4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 7 , 2014
Al-shabaab oo laga qabsaday Teed iyo Ciidammo ku Wajahan Xudur

Jimco, Maarso 07, 2014 (HOL) — Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Somalia ayaa la wareegay deegaanka Teed oo 30-km u jira degmada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool, deegaankaas oo ay ka taliaysay Al-shabaab.

Madaxda gobalka Bakool ayaa sheegay inay dagaalkaas oo shalay dhacay ay ku dhinteen 12-qof oo kawada tirsan dhinacyadii dagaalamayay, iyadoo la sheegayo in ay jiraan dhaawac u badan ciidamadii dagaalamay.

Dagaalkaas ayaa socday afar saacadood, iyadoo markii dambe ay ciidamada isku-dhafan ee Soomaaliy iyo Itoobiya oo AMISOM ka tirsan ay la wareegeen Teed oo ah deegaan muhiim u ahaa Al-shabaab.

Mid ka mid ah dadka deegaankaasa ayaa HOL u sheegay in kooxda Al-shabaab ay si hal-haleel ah uga baxeen Teed, iyadoo deegaankaan uu ka dhigayo kii labaad oo Al-shabaab lagala wareego muddo 24-saac gudahood ah.

Sidoo kale, ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Somalia ayaa u ruuqaansaday dhinaca degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, iyadoo ay dadka shacabka ahi ay isaga baxayaan degmadaas.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Al-sabaab ay ka baxday degmadaas oo ay difaacyo ka sameysatay deegaanno ka durugsan Xudur, halkaasoo ay muddo ka badan sanad gacanta ku hayeen.

Howlgalladan ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo ciidamada Itoobiya oo qayb ka ah AMISOM ay ka billaabaan gobollada Koonfurta Somalia, iyadoo horay ay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM ay u sheegeen inay dagaallo ka billaabayaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Hiiraan Online, Baydhabo