Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) — Wafdi ka socday Qaramada
Midoobay, ,Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo danjirayaasha dalalka
caalamka qaarkood ka jooga Soomaaliya ayaa maanta la kulmay madaxda dowladda Soomaaliya
uu uu ku jiray madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd ayaa markii soo
dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka,
C/llaahi Goodax Barre iyo ergayga IGAD ee Soomaaliya iyo xubno kale, iyagoo
sheegay inay kualnkooda kaga hadleen xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo
caalamka iyo arrimaha amniga dalka.
“Maanta waxaa noo yimid dalalka iyo ururrada ay wada-shaqeynta
naga dhexeyso, waxaana kala hadalnay arrimo ay ka mid yihiin dariiqa loo marayo
siyaasadda Soomaaliya sannadkan 2014-ka, waxaan kaloo isla soo qaadnay arrimaha
Baydhabo iyo wixii ka dhacay iyo sidii heshiiskii lagu gaaray Kismaayo ee lagu dhisay
maamulka Jubba sidii loo hirgelin lahaa,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo
federaalka.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inay wafdiga isla soo
qaadeen sidii magaalada Muqdisho amnigeeda loo nabadeyn lahaa iyo kuwo kale oo
fara badan, dhammaantoodna waxaa kawada gaarnay mowqif mideysan. Isagoo xusay in kulankan uu faa’iido weyn u ahaa dowladda
Soomaaliya.
Intaas kaddib waxaa isna la hadlay saxaafadda ergayga IGAD ee
arrimaha Soomaaliya, Danjire Maxsamed Cabdi Afeey oo sheegay in imaanshahooda
Muqdisho uu ahaa sidii ay dadweynaha Somalia iyo dowladooda ugu muujin
lahaayeen garab-istaagga ay beesha calaamku garab taagan tahay.
“Waxaan dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonnaa dhameystirka
heshiiskii magaalada Addis Ababa lagu gaaray ee dhexmaray dowladda Soomaaliya
iyo maamulka KMG ah ee Jubba, taasoo aan dhameystirkiisa kala shaqeyn doono. Waxaan
kaloo kala shaqeyn doonnaa sugidda amniga Muqdisho oo ah qalbiga Soomaaliya,”
ayuu yiri danjire Afeey.
Dhanka kale, danjiraha IGAD ee Soomaaliya ayaa sheegay inay
taageersan yihiin mowqifkii ay dowladda Soomaaliya ka gaartay maamul sameynta
gobollada dalka iyo shirarka Baydhabo ka socda, ayna dowladda ka caawin doonaan
dhaqaalaha ay u baahan tahay sidii ay dalka oo dhan nabad ugu soo dabaali lahayd.
Ugu dambeyn, waxaa warfidiyeenka isaguna la hadlay ergayga
Midowga Yurub ee Soomaaliya oo sheegay inay madaxda dalka kala hadleen sidii
dalka looga hirgelin lahaa federaalka kaasoo loo marayo dastuurka dalka u
dagsan iyo sidii Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho guud marka la gaaro
sannadka 2016-ka.
Kulankan oo kusoo beegmay xilli dowladda Soomaaliya ay maalmo
ka hor sheegtay inay kasoo horjeeddo shir magaalada Baydhabo ka socda oo lagu
dhisayo maamul-goboleed ka kooban lix gobol, iyadoo shirka ay goobjoog ka ahaayeen
guddoomiyaha baarlamaanka, Prof. Jawaari iyo ra’iisul wasaare C/weli Sheekh
Axmed.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya