4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 6 , 2014
Wufuud Caalami ah oo Muqdisho kula kulmay Madaxda Soomaaliya
Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) — Wafdi ka socday Qaramada Midoobay, ,Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo danjirayaasha dalalka caalamka qaarkood ka jooga Soomaaliya ayaa maanta la kulmay madaxda dowladda Soomaaliya uu uu ku jiray madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd ayaa markii soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre iyo ergayga IGAD ee Soomaaliya iyo xubno kale, iyagoo sheegay inay kualnkooda kaga hadleen xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo caalamka iyo arrimaha amniga dalka.

“Maanta waxaa noo yimid dalalka iyo ururrada ay wada-shaqeynta naga dhexeyso, waxaana kala hadalnay arrimo ay ka mid yihiin dariiqa loo marayo siyaasadda Soomaaliya sannadkan 2014-ka, waxaan kaloo isla soo qaadnay arrimaha Baydhabo iyo wixii ka dhacay iyo sidii heshiiskii lagu gaaray Kismaayo ee lagu dhisay maamulka Jubba sidii loo hirgelin lahaa,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inay wafdiga isla soo qaadeen sidii magaalada Muqdisho amnigeeda loo nabadeyn lahaa iyo kuwo kale oo fara badan, dhammaantoodna waxaa kawada gaarnay mowqif mideysan. Isagoo xusay in kulankan uu faa’iido weyn u ahaa dowladda Soomaaliya.

Intaas kaddib waxaa isna la hadlay saxaafadda ergayga IGAD ee arrimaha Soomaaliya, Danjire Maxsamed Cabdi Afeey oo sheegay in imaanshahooda Muqdisho uu ahaa sidii ay dadweynaha Somalia iyo dowladooda ugu muujin lahaayeen garab-istaagga ay beesha calaamku garab taagan tahay.

“Waxaan dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonnaa dhameystirka heshiiskii magaalada Addis Ababa lagu gaaray ee dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba, taasoo aan dhameystirkiisa kala shaqeyn doono. Waxaan kaloo kala shaqeyn doonnaa sugidda amniga Muqdisho oo ah qalbiga Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Afeey.

Dhanka kale, danjiraha IGAD ee Soomaaliya ayaa sheegay inay taageersan yihiin mowqifkii ay dowladda Soomaaliya ka gaartay maamul sameynta gobollada dalka iyo shirarka Baydhabo ka socda, ayna dowladda ka caawin doonaan dhaqaalaha ay u baahan tahay sidii ay dalka oo dhan nabad ugu soo dabaali lahayd.

Ugu dambeyn, waxaa warfidiyeenka isaguna la hadlay ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya oo sheegay inay madaxda dalka kala hadleen sidii dalka looga hirgelin lahaa federaalka kaasoo loo marayo dastuurka dalka u dagsan iyo sidii Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho guud marka la gaaro sannadka 2016-ka.

Kulankan oo kusoo beegmay xilli dowladda Soomaaliya ay maalmo ka hor sheegtay inay kasoo horjeeddo shir magaalada Baydhabo ka socda oo lagu dhisayo maamul-goboleed ka kooban lix gobol, iyadoo shirka ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiyaha baarlamaanka, Prof. Jawaari iyo ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya