4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 6 , 2014
Al-shabaab oo shacabka ka dalbatay inay gacan ku siiyaan dagaalka

Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay ka qayb-qaabtaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Itoobiya oo dhawaan ku biiray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa baaqan ku soo duubay cajalad maqal ah oo soconaysay 20-daqiiqo, wuxuuna ka hadlay xaaladaha dalku uu ku sugan yahay iyo dagaallada ay ku jiraan.

"Cadowgiinii soo jireenka ahaa ee Itoobiya wuxuu soo qaatay duulaan qaawan, isagoo ku labisan shaarka AMISOM, waxaana la idinka doonayaa inaad ka qaybqaadataan sidii dalka looga difaaci lahaa," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu tusaale u soo qaatay dagaaladii Somalia iyo Itoobiya dhex-maray sannadihii 1964-kii iyo 1977-kii, isagoo sheegay inay ahaayeen kuwo ay ka qaybgaleen shacabak Soomaaliyeed oo dhan, isagoo xusay in Itoobiya ay damac fog ka leedahay Somalia.

"Ummadda Soomaaliyeed waa inay baraarugaan meel walba oo ay joogaan dalka iyo dibaddiisa cadowga soo jireenka ah ee Itoobiya maanta garab ayuu ka helayaa gaalada caalamiga ah waa inaad dalkiina ka difaacdaan cadowgan," ayuu hadalkiisa ku yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka oo sii hadlay ayaa baaq u diray qabaa'illada Soomaaliyeed, isagoo ka codsaday inay adkeeyaan kaalinta ay ka geysanayaan difaaca dalka, kana soo horjeestaan qorshayaasha cusub ee loo maleegayo Soomaaliya.

"Innaga Al-shabaab ahaan waxaan sii wadaynaa dagaalka aan kula jirno kuwa nagu soo duulay,; waana sii wadi doonaa inta ay naftu nagu dambeyso," ayuu afhayeenku mar kale yiri, isagoo ku boorriyay Soomaalida inay dhexda xirtaan.

Ciidamada Itoobiya oo horraantii sannadkan 2014-ka ka mid noqday howlgalka AMISOM ayaa shalay la wareegay degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool, iyadoo ciidammo badan geeyay gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay laga qabsaday deegaanno ay horay uga talinaysay oo ay ka mid yihiin, Baydhabo, Kismaayo, Jowhar, Marko iyo Baladweyne, balse weli waxay kooxdu gacanta ku haysaa deegaanno badan oo ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya