4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 6 , 2014
Dowlada Somalia oo lagu koontarooli doono hubka ay soo iibsanayso

Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in dowladda Soomaaliya lagu koontarooli doono hubka ay keensanayso iyo sida ay u isticmaalayso, kaddib markii ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kordhiyeen muddada qafiifinta cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay guddiga la socodka xayiraadaha Soomaaliya iyo Eritrea ay ku wargelinayaan guddiga hubka ay dibadda ka keensanayaan iyo sida ay doonayaan inay u isticmaalaan ka hor shan maalmood inta  lasoo deign hubka.

Arrintan ayaa la sheegay inay tahay mid lagula soconayo hubka galaya Soomaaliya iyo meelaha ay doonayso in dowladda Soomaaliya u isticmaasho, arrintan ayaa ka dhalatay markii guddiga loo xilsaaray la socodka hubka ay keenayso dowladda warbixin ay horay u soo saareen oo lagu sheegay in hub ay keensatay dowladda Soomaaliya uu gacanta u galay Al-shabaab, inkastoo ay warbixintaas beenisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xubnaha golaha ammaanka ayaa si aqlabiyad ah isugu raacay in muddo sideed bilood ah lagu kordhiyo xilliga qafiifinta hubka ay soo iibsanayso dowladda Soomaaliya, taaso ku eg 25-ka bishan Oktoobar ee sannadkan.

Sidoo kale, xubnaha golaha ammaanka ayaa ugu baaqay dalalka hubka ugu deeqaya Somalia iyo kuwa ka iibinaya ay ku wargeliyaan noocyada hubka ay siinayaan ama ka iibinayaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay si loola socdo.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay tahay mid lagula soconayo hubka ay dowladda Somalia ka keensanayso dibadda iyo waxyaabaha loo isticmaalayo, iyadoo loo ogolaaday Soomaaliya inay keensato oo keliya hubka fudud oo aanu ku jirin hubka culus.

Qafiifiinta cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya oo sannadkii hore la meel-mariyay ayaa ahaa mid lagu qiyaar-geliyay dowladda Somalia inay hub soo iibsato, balse muddo kordhintan ayaa ka duwan tii hore, iyadoo dowladda lagu koontaroolayo hubka ay keenasanayso.

Walaaca arrintan ayaa waxaa kordhiyay markii hay’adda Amnesty International oo u xuquuqaha aadanaha u doodda ay saacado ka hor kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka yeelanyeen cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya ay codsatay in Soomaaliya la saaro cunno-qabateyn hub oo dhameystiran.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya