Khamiis, Maarso 06, 2014
(HOL) — Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in dowladda Soomaaliya lagu
koontarooli doono hubka ay keensanayso iyo sida ay u isticmaalayso,
kaddib markii ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kordhiyeen
muddada qafiifinta cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya.
Golaha ammaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga
baahan yahay inay guddiga la socodka xayiraadaha Soomaaliya iyo Eritrea ay ku
wargelinayaan guddiga hubka ay dibadda ka keensanayaan iyo sida ay doonayaan
inay u isticmaalaan ka hor shan maalmood inta
lasoo deign hubka.
Arrintan ayaa la sheegay inay tahay mid lagula soconayo hubka
galaya Soomaaliya iyo meelaha ay doonayso in dowladda Soomaaliya u isticmaasho,
arrintan ayaa ka dhalatay markii guddiga loo xilsaaray la socodka hubka ay
keenayso dowladda warbixin ay horay u soo saareen oo lagu sheegay in hub ay
keensatay dowladda Soomaaliya uu gacanta u galay Al-shabaab, inkastoo ay warbixintaas
beenisay dowladda federaalka Soomaaliya.
Xubnaha golaha ammaanka ayaa si aqlabiyad ah isugu raacay in
muddo sideed bilood ah lagu kordhiyo xilliga qafiifinta hubka ay soo iibsanayso
dowladda Soomaaliya, taaso ku eg 25-ka bishan Oktoobar ee sannadkan.
Sidoo kale, xubnaha golaha ammaanka ayaa ugu baaqay dalalka hubka
ugu deeqaya Somalia iyo kuwa ka iibinaya ay ku wargeliyaan noocyada hubka ay
siinayaan ama ka iibinayaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay si loola
socdo.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay tahay mid lagula soconayo
hubka ay dowladda Somalia ka keensanayso dibadda iyo waxyaabaha loo
isticmaalayo, iyadoo loo ogolaaday Soomaaliya inay keensato oo keliya hubka
fudud oo aanu ku jirin hubka culus.
Qafiifiinta cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya oo sannadkii
hore la meel-mariyay ayaa ahaa mid lagu qiyaar-geliyay dowladda Somalia inay
hub soo iibsato, balse muddo kordhintan ayaa ka duwan tii hore, iyadoo dowladda
lagu koontaroolayo hubka ay keenasanayso.
Walaaca arrintan ayaa waxaa kordhiyay markii hay’adda Amnesty
International oo u xuquuqaha aadanaha u doodda ay saacado ka hor kulanka Golaha
Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka yeelanyeen cunno-qabteynta hubka ee
Soomaaliya ay codsatay in Soomaaliya la saaro cunno-qabateyn hub oo
dhameystiran.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan
Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya