4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 6 , 2014
Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya oo gaaray Magaalada Garoowe
Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) —Wafdi uu horkacayo safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Kani Torun ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, waxayna madaxtooyada kulan kula qaateen mas'uuliyiinta ugu sarreeya dowladda Puntland gaar ahaan Madaxweyne Gaas iyo ku-xigeenkiisa Camey.

Markii uu kulanku soo gaba gaboobay ayaa waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay Madaxweyne C/wli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Kani Torun. Madaxweynaha oo hadalka ku horreeyey ayaa si kooban uga warbixiyey waxyaabihii ay wafdiga Turkiga ka socda ka wada hadleen.

Wuxuuna ugu horreyn sheegay in dowladda Puntland ay farxad weyn u tahay booqashada uu Garoowe kusoo gaaray Kani Torun oo C/weli Gaas uu sheegay in isaga ay si khaas ah saaxiibo isku fiican u yihiin.

Mar uu ka hadlayey arrimaha ay kulankooda iskula soo qaadeen wuxuu sheegay, in ay ugu muhiimsanaayeen: xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii uu Turkigu Puntland uga taageeri lahaa dhinaca horumarka, gaar ahaan teyeynta adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Danjire Kani oo intaas kaddib hadalka qaatay ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay booqashada uu kusoo gaaray Puntland, wuxuuna  dowladda iyo dadweynaha Puntland uga mahadceliyey sida diirran ee ay usoo dhoweeyeen.

Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Turkigu uu mashaariic horumarineed oo ballaaran ka fulin doono Puntland, isagoo soo hadal qaaday in dowladda Ankara ay qorsheynayso inay xafiis ka furato magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wafdiga Turkiga ayaa isla maanta booqday xarumo waxbarasho oo ku yaalla magaalada Garoowe, waxaana goobaha ay tageen kamid ah: Jaamacadda PSU, Dugisaga Sare ee Gambool iyo weliba Dugsiga Farasmada Gacanta ee Garoowe.

Booqashada uu safiirka Turkiga u jooga magaalada Muqdisho ku yimid Puntland ayaa ah tii ugu horreysey ee uu kusoo gaaro, laga soo bilaabo markii madaxweynaha Puntland loo doortay C/weli Maxamed Cali Gaas.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya