4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 6 , 2014
Muun-gaab oo la kulmay Shaqaalaha Maamulka Gobolka (SAWIRRO)
Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa maanta kulan la qaatay dhammaan agaasimayaasha dowladda hoose ee Muqdisho iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha gobolka ayaa waxaa kasoo qayb-galay 35-agaasime, waxaana ujeeddada kulanka ahayd isbarasho iyo dardaaran uu u jeediyay dhammaan agaasimayaashii uu la kulmay.

Intii uu shirku socday ayuu guddoomiyaha gobolka wuxuu u caddeeyay agaasimeyaashii uu la kulmay iyo dhammaan shaqaalaha gobolka Banaadir oo dhan inaysan jirin inuu doonayo inuu badalo.

Sidoo kale, wuxuuna sheegay in qorshihiisa aysan ahayn badal shaqsi oo kaliya, balse uu yahay isbedel dhab ah oo shaqeeya oo ka dhex-dhasha dhammaan waaxyaha kala gadisan ee maamulka gobolka iyo dowladda hoose ee Muqdisho.

“Ma jirto cid shaqadeeda wadata oo aan bedeleyno, waxaa keliya oo aan beddeli doonaa ciddii shaqadeeda gudan wayda oo aan kasoo bixin waajibaadka la saaray iyo adeegga ay shacabka u heyso,” ayuu Muun-gaab kulanka ka saaray.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Duqa Muqdiso ayaa kula dardaarmay dhammaan howl-wadeennada kala duwan ee dowladda hoose iyo maamulka gobolka Banaadir inay dhaxda u xirtaan sii ay u laba-jibaari lahaayeen holwaha ay u hayaan shacabka Muqdisho.

Agaasimeyaashii kulanka ka qaybgalay ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha gobolka Banaadir kalanka is-barashada ah iyo dardaarankii daba-socday, waxayna ballan-qaadeen inay laba-jibaari doonaan howshooda.

Markii uu kulanku soo dhammaaday ayaa waxaa saxaafadda la hadlay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf Cismaan oo sheegay in kulanka uu guul kusoo dhamaaday, isla markaana ay jiri doonaan kulammo wada-tashi ah oo duqa Muqdisho uu la qaadan doono qaybaha kala duwan ee bulshada.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in guddoomiyaha gobolka uu soo kormeeray xafiisyada kala duwan ee mamaulka gobolka, isagoona dhanka kale sheegay in wax weyn laga bedelay hanaankii helitaanka kaararka aqoonsiga ee muwaadinimo.

Boor-weyn oo lagu dhajiyay afaafka hore ee xarunta teesarashaaya aqoonsida muwaadinimo laga baxsho ayaa lagu soo daabacay magacyada shaqsiyaadka ay u soo baxeen kaararka, taasoo lagu ogeysiinayo inay soo doontaan kaararkooda, waxaana sidoo kale la adkeeyay amniga xaruntaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya