4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 6 , 2014
Maamulka Gobolka Hiiraan oo baaq u jeediyay hay'adaha Samafalka

Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay xaalad dawo yari ah ee la soo daristay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne, oo sanadkii hore ay isaga baxday hay'adda MSF Swiss oo mudo dheer soo waday howlaha isbitaalka.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Sheekh Xusseen Cismaan Cali oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in xaalad adag waqtigan ka jirto isbitaalka guud ee magaalada Beledweyn, islamarkaana loo baahan yahay in hay'addaha samafalka gacan ka geystaan socodsiinta howlaha isbitaalka.

''Runtii waa nasiib darro in bukaanada ku jira isbitaalka magaalada marka dawada loo qoro ku qasbanaadaan in ay dibada ka soo iibsadaan, waayo dadka oo dhan taa awood uma wada laha, sidaa daraadeed waa in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabtaa xaalada isbitaalka  oo ah kan ugu ballaaran marka la eego gobollada bartamaha Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee isbitaalka Beledweyne Axmed Max'ed Khaliif ayaa maalmihii ugu danbeeyayba si is daba joog ah uga hadllayay dawo la'aan soo food saartay isbitaalka, iyadoo ilaa iyo hadda aysan jirin cid ka soo jawaabtay fariimaha iyo qeylo dhaanta maamulka isbitaalka.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada gobolka Hiiraan ayaa dhinaca kale fariin u dirray jaaliyadaha dibada ee ka soo jeeda gobolka in ay caawiyaan isbitaalka oo bukaanada ku jira yihiin kuwo isaga kala yimid qeybaha degmooyinka uu gobolka ka kooban yahay iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Dadka bukaanka ah ee jiifa isbitaalka ayaa laftirkooda ka cabanaya dawo la'aanta jirta awood dhaqaallana u heyn intooda badan in ay dibada dawo ka soo iibsadaan, iyaga oo dhinacooda dirray baaq la mid ah kan maamulka isbitaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya