4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 6 , 2014
Wiil uu dhalay Col. Qadaafi oo loo Gacan-geliyay Xukuumadda Liibya

Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) — Sacdi Qadafi oo kamid ah wiilasha uu dhalay hogaamiyihii hore ee Liibiya ayaa la xaqiijiyay in si rasmi ah loogu soo wareejiyay dowladda Libya ,ka dib dalabyo kala duwan oo ay u soo direen dowladda Niger oo markii hore gacanta ku haysay Sacdi.

Qaar ka mid ah warbaahinta aya sii daysay muuqaalo muujinaya wiilka Qadaafi oo lagu hayo goob amnigeeda aad loo adkeeyay, isla markaana laga jarayo timaha iyo garka oo aad ugu baxay intii uu ku sugnaa Niger.

 Lama oga sababta keentay in dowladda Niger ay soo dhiibto Saadi,maadaama ay horey u diideen ,iyaga ku andacoonayay in la toogan doono hadii ay soo wareejiyaaan,mana jirto wax faah-faahin dheeri ah oo arintan laga bixiyay.

Sacdi Qadaafi ayaa ka cararay dalka Liibiya sanadkii 2011-ka ,ka dib markiii talada laga tuuray aabihii oo muddo dheer soo xukumayay wadanka ,isagoo intaa ka dib iska dhiibay wadanka Niger oo iminka dib ugu soo gacan galiyay Libya .

Warar kala duwan oo laga sii daayay warbaahinta Liibiya ayaa sheegaya in Sacdi la so tagi doono maxkamad ,isla markaana ay u badantahay in dil toogasho ah lagu xukumo ,taasi oo dadka qaar ay walaac ka muujiyeen.

Ugu danbayntii intii ay jirtay dowladii aabihii uu maamulayay Sacdi ayaa ahaa madaxa ciidamada gaarka ah ee Liibya ,waxaana uu awood weyn ku dhex laha gudaha dalkaasi ,isaga oo ku jiray tiro masuuliyiin dhowr ah oo wadankaas si aad ah loga ixtiraamo.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]