Wiil uu dhalay Col. Qadaafi oo loo Gacan-geliyay Xukuumadda Liibya
Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) — Sacdi Qadafi oo kamid ah
wiilasha uu dhalay hogaamiyihii hore ee Liibiya ayaa la xaqiijiyay in si rasmi
ah loogu soo wareejiyay dowladda Libya ,ka dib dalabyo kala duwan oo ay u soo
direen dowladda Niger oo markii hore gacanta ku haysay Sacdi.
Qaar ka mid ah warbaahinta aya sii daysay muuqaalo muujinaya
wiilka Qadaafi oo lagu hayo goob amnigeeda aad loo adkeeyay, isla markaana laga
jarayo timaha iyo garka oo aad ugu baxay intii uu ku sugnaa Niger.
Lama oga sababta
keentay in dowladda Niger ay soo dhiibto Saadi,maadaama ay horey u diideen ,iyaga
ku andacoonayay in la toogan doono hadii ay soo wareejiyaaan,mana jirto wax
faah-faahin dheeri ah oo arintan laga bixiyay.
Sacdi Qadaafi ayaa ka cararay dalka Liibiya sanadkii 2011-ka
,ka dib markiii talada laga tuuray aabihii oo muddo dheer soo xukumayay wadanka
,isagoo intaa ka dib iska dhiibay wadanka Niger oo iminka dib ugu soo gacan
galiyay Libya .
Warar kala duwan oo laga sii daayay warbaahinta Liibiya ayaa
sheegaya in Sacdi la so tagi doono maxkamad ,isla markaana ay u badantahay in
dil toogasho ah lagu xukumo ,taasi oo dadka qaar ay walaac ka muujiyeen.
Ugu danbayntii intii ay jirtay dowladii aabihii uu maamulayay
Sacdi ayaa ahaa madaxa ciidamada gaarka ah ee Liibya ,waxaana uu awood weyn ku
dhex laha gudaha dalkaasi ,isaga oo ku jiray tiro masuuliyiin dhowr ah oo
wadankaas si aad ah loga ixtiraamo.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]