4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 6 , 2014
Khasaare ka dhashay rasaas lagu furay gaari Boosaaso ka tegey

Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) — Waxaa xalay saqdii dhexe la rasaaseeyey gaari ay dad rakaab ahi la socdeen oo ka tegey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kuna sii jeeday degmada Xiriiro oo ka tirsan gobolka Karkaar. Goobta gaariga lagu rasaaseeyey oo ku taal buuraleyda Xajiin laguna magacaabo Karinta, waxay hoos tagtaa degmada Isku-shuban.

Caaqil Ciise Siciid Faarax (Buur-madow) oo ka tirsan odayaasha deegaanka Xiriiro ayaa ka warbixiyey tacshiiradda xalay gaariga la huwiyey, khasaaraha ay geysatay iyo weliba sababta gaariga loo rasaaseeyey.

Wuxuuna sheegay in falkani uu yahay mid la xiriira anooyin qabiil oo in muddo ah soo jiitamayey una dhexeeya labo beelood oo gobolka wada dega. Mar uu ka hadlayey khasaaraha wuxuu sheegay in weerarkaas uu hal qof ku dhintay afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Qofka geeriyoodey ayaa ahayd haweeney uur leh. Saddexda qof ee dhaawaca ah oo midkood ay xaaladdiisu halis tahay, waxaa loo qaaday dhinaca magaalada Boosaaso, waxaana xilligan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee degmada.

Mas'uuliyiin dowladda ka tirsan, Odayaal, aqoonyahanno iyo culimaa'uddiin ayaa gelinka dambe ee maanta ku bixi doonto goobta uu falku ka dhacay si ay xaaladda u qaboojiyaan. In ka badan 50 qof ayaa ku geeriyoodey dagaal beeleedyo soo noqnoqday oo tan iyo sannadkii 2008 ka dhacayey deegaanno ka kala tirsan gobollada Bari iyo Karkaar, dagaalladaas oo marar badan soo noqnoqday, waxay u dhexeeyaan beelo walaalo ah oo gobolka wada dega.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
.