4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 6 , 2014
Waran-cadde oo Sheegay in la Qabtay Gacan ku Dhiigle dilay Taliye

Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) — Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade, ayaa sheegay inay soo qabteen gacan ku dhiiglihii dilay Taliyihii Ciidanka booliska degmada Xaaji Saalax ee gobolka Oodwayne.

Wasiirku waxa uu sidaas ka sheegay mar uu shalay ka soo laabtay hawlo shaqo oo uu ku joogay degmadda uu dilku ka dhacay, taas uu waan waan la soo galay beeshii ka soo jeeday taliyaha la dilay oo uu ka codsaday in aanay ku kicin inay wiilkooda usoo aaraan, balse loo daayo hawshaasi dawladda.

“Waxaan jecelahay inaan dadweynaha ugu bushaareeyo in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii dilay taliyihii degmadda Xaaji Saalax, taas oo uu imika ku jiro gacanta dawlada, arrintaas oo ah mid aad u qiimo badan aniga oo u mahad naqaya dhammaanba dadkii nagala shaqeeyey sidii aanu gacanta ugu dhigi lahayn gacan ku dhiiglahaas oo dilay sarkaal ciidanka Booliska oo lagu dilay tuuladda Laan-mulaaxo ee degmadda Xaaji Saalax,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu Warancadde oo ka waramayey qabashadda ninkii dilay taiyaha booliska.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray “Waxaanan u mahad naqayaa salaadiintii qiimaha lahayd ee gacanta ka gaysatay in la soo qabto gacan ku dhiiglahaas, waxa kale oo aan u mahad naqayaa cuqaasha, ciidanka Booliska, bulshada deegaanka oo gacan ka gaystay, dawlada Ethiopia oo gacan balaadhan na siisay, waxa kale oo aan u mahad naqayaa reerkii uu ka soo jeeday marxuumka la dilay oo naga aqbalay inay ku kalsoonaadaan dawladda oo aanay habayaraatee wax dhaq dhaqaaq ah iyo aargoosi samaynin, maantana aan u sheegayo in gacan ku dhiiglihii gacanta lagu hayo”.

Cali Waran-cadde waxa uu ka war bixiyey hawl gallo nabadayn ah oo ay ka sameeyeen deegaamo ka tirsan gobolada barriga ee dalka iyo hawdka magaalada Hargeysa waxaanu yidhi “Hawl galadii aanu ku jirnay wasaarada arrimaha gudaha iyo wasaarado kale oo nagu wehelinayey waxaanu ku guulaysanay in shaqaaqooyinkii ka dhacay dhinaca barriga iyo hawdka dalka inay si wanagsan u dhamadeen oo ay dhammaantoodba meel fiican oo nabad-gelyo aanu gaadhsiinay haddii ay tahay kuwii barriga ee ka kala dhacay Ceeldhaab, Oog iyo Adhi Cadeeyo.”.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in sarkaal ciidanka booliska ka tirsan oo koox hubaysani ku dileen sanadkii hore degmadda Caynaba ee gobolka Sool in laga heshiiyey, isla markaana beesha ay ka soo jeedeen kuwii dilka fuliyey ay bixiyeen mag dhowgii iskugu jiray Lacag, Geel iyo Hablo godob reeb ah.

Inta badan dilalka ka dhaca gobolada bariga ayaa u badan aano qabiil, taas oo mararka qaarkood keentay in beelaha wada degaa dagaal dhex maro.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland