4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 6 , 2014
Kulan Amniga looga Hadlayay oo Xalay ka dhacay Degmada Wadajir

Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) — Kulan looga hadlayay amniga ayaa xalay ka dhacay degmada Wadajir, iyadoo kulankan ay ka qaybqaateen waasiirro iyo xubno ka tirsan baarlamankaa oo ay dowladdu u xilsaartay ka shaqeynta nabadgalyada degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Xasan Cadoow (Daaci) oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ciidamadii loogu talogalay inay ammaanka sugaan ay degmada ka maqan yihiin, amniga degmadana ay sugaan ciidamada maamulka.

“Ciidamadii loogu talo-galay inay ammaanka degmada sugaan qaar waxay jiraan Ceelasha kuwo kalena waxay jiraan degmooyin kale oo Muqdisho ka tirsan, inta ammaanka sugaysa waa ciidamada maamulka” ayuu yiri Axmed Daaci.

Sidoo kale, Axmed Daaci ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay ka shaqeyso ammaanka guud ee degmada, isagoo xusay in sidoo kale iskuullada iyo isbitaallada degmada ku yaalla dib loo howlgeliyo.

“Waxaa codsanaynaa wasiir in dib loo howlgeliyo iskuullaadii degmada iyo isbitaalladii oo qaarkood ay beelo is-xijinayaan kuwo kalena ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad gaar ah, waayo shacabku waxay u baahan yihiin waxbarasho iyo weliba caafimaad,” ayuu hadalkiisa ku daray Daaci.

Guddoomiyaha Wadajir ayaan carra-baabin  iskuullada iyo isbitaallada ay shaqsiyaadka gacanta ku hayaan ee ku yaalla degmadiisa, isagoo xusay in isaga oo guddoomiyaah degmada ah haddii uu iskuullada tago la weydiinayo lacago.

Intaas kaddib waxaa kulanka ka hadlay wasiir ku xigeenka gaadiidka iyo dekedaha, Jamaal Xasan Ismaaciil oo sheegay inay dowladdu wax ka qabanayso codsiga kaga yimid maamulka degmada Wadajir.

“Waxaan farxad weyn inoo ah inaan kusoo aadnay degmo ay dadkeedu isku xiran yihiin oo horumarsan, waxaana ballanqaadaynaa dhankeenna in xukuumadda aan u gudbin doonno cabashada maamulka degmada si wax looga qabto,” ayuu Jamaal ku sheegay warkiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dajisay qorshe cusub oo lagu adkeynayo guud  ahaan ammaanka Muqdisho, iyadoo guddiyo isugu jira wasiirro, xildhibaanno iyo xubno ka tirsan maamulka degmooyinka loo xilsaaray sugidda amniga degmo walba oo Muqdisho ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya