4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2014
Wadamadii Khaliijka oo safaaraduhoodii kala laabtay dalka Qadar

Abroco, March 05, 2014Dowladaha Sacaduudiga, Baxrayn iyo Isu-tagga Imaaraatka Carabta ayaa maanta safiiradoodii kala baxay Dowladda  yar ee qaniga ah ee Qadar. Iyagoo saddexda dowladoodba sheegay inay go'aankaan qaateen kaddib markii ay Qadar fara gelin qaawan ku samaysay -waa sida ay hadalka u dhigeene- arrimaha gudaha ee waddamada ku bahoobay Gacanka Khaliijka Carbeed.

Saddexdaan waddan ayaa Qadar ku eedeeyey inuusan Amiirka  Qadar Sheikh Tamiim Aala Thaani fulin heshiisyo ay wadar ahaan u galeen dowladaha khaliijku bishii November ee Sannadkii hore, heshiiskaas oo dhigayey inaan dowladaha khaliijku isku samayn wax fara gelin hoose iyo inay si wada jir ah uga soo wada horjeensadaan cadowga gudaha iyo kan dibaddaba.

TV-ga ay caanka ku tahay Qadar ee Al-jazeera ayaa dhaleeceeyey madaxda Sacuudiga iyo sidoo kale qaar ka mida madaxda kale ee Dowladaha Khaliijka, iyadoo sidoo kalena ay Qadar taageerto ururka Ikhwaanul Muslimiin oo mamnuuc ka ah inta badan dowladaha Khaliijka iyo sidoo kale Dowladda Masar.

Qadar iyo Turkiga ayaa lagu tiriyaa labada dowladood ee siyaasad ahaan aad isugu dhow, iyagoo labada waddanba taageeray kacaannadii dhicisoobay ee ay shucuubta carabtu ku doonayeen inay uga takhalusaan madaxdooda hase ahaatee arrimahaasi ma meel marin.

Bishar Abdi
Seattle, WA
[email protected]