4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2014
Mareykanka oo kumaandoosta Somalia ugu deeqay qalab (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 05, 2014 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa gaadiidka ay ciidamadu adeegsadaan iyo hub ugu deeqday markii ugu horreysay ciidamada kumaandoosta Somalia, iyadoo wareejinta qalabka ay goobjoog ka ahaayeen taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada milateriga.

Qalabkan ayaa waxaa Mareykanka ka guddoomay taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe), waxaana qalab-wareejintan ay ka dhacday xerada tababarka ciidamada ee Jasiira.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo hadal ka jeediyay xafladdii lagu wareejinayay qalabka ayaa ammaanay ciidamada kumaandoosta ee tababarka ku qaatay xerada Jasiira, isagoo sidoo kale u mahad-celiyay mas’uuliyiintii ka socotay Mareykanka ee qalabka soo gaarsiisay.

Ciidamada kumaandoosta Soomaaliya ee maanta qalabka lagu wareejiyay oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo tababar gudaha dalka Soomaaliya ku qaata, waxaana saraakiisha ciidamadu ay sheegeen inay ka qayb-qaadan doonaan dagaallada lagula jiro Al-shabaab.













Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya