4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2014
PUNTLAND: Eedeysanayaal lagu xukumay dilal iyo Xabsi (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 05, 2014 (HOL) — Maxkamadda ciidimada qalabka sida ee Puntland ayaa xukunno isugu jiray dil iyo xabsi ah ku ridday eedeysanayaal la horkeenay oo loo haystay dambiyo kala duwan.

Eedeysanayaashan ayaa lagu kala magacaabaa: Sharmaarke Cali Xor-xorre, Maxamed Muuse Faarax, Abshir Axmad Yaasiin iyo Cabdixakiin Salaad Yaasiin oo dhammaantood ka tirsanaa ciidamada Puntland.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Goballada Bari, Karkaar, Sanaag iyo Gardufuu, Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunnada kala duwan ee lagu ridday afartan qof, kaddib markii uu dhageystay dacwooyinkii loo haystay.

“Maxkamaddu waxay dil toogasho ah ku xukuntay, Sharmaarke Cali Xor-xorre oo lagu helay inuu dil u geystay sarkaal ka tisranaa bankiga Boosaaso oo magaciisu ahaa: Yuusuf Salaad Saalim,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda oo sheegay in xukunkiisa loo cuskaday sharciyada milateriga iyo shareecada Islaamka.

Sidoo kale, gudoomiyuhu wuxuu sheegay in Maxamad Muuse Faarax oo ka tirsan ciidanka madaxtooyada Puntland isna lagu xukumay dil toogasho, kaddib markii lagu helay inuu dil u geystay marxuum lagu magacaabi jiray, C/rashadii Muuse Maxamed.

Abshir Axmed Yaasiin ayaa isna lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay inuu gacan siinayay gacan ku dhiigle Maxamed Muuse Faarax, inkastoo uusan isagu dilka geysan.

Maxkamadda ayaa sii daysay C/xakiim Salaad Yaasiin oo la sheegay lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay, iyadoo xukunkan uu mid noqonayo xukunno ay horay maxkamaddu ugu ridday eedeysanayaal kala duwan oo la horkeenay.

Puntland ayaa waxaa horraantii sannadkan loo doortay hoggaan cusub; kaddib doorasho ka dhacday xarunta maamulkaas ee Garoowe, waxaan xilka madaxweynenimo ku guuleystay C/weli Maxamed Cali Gaas oo horay ra'iisul wasaare uga oo noqday dowladdii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya